fredag, april 19, 2024

(Video)-Cabdirahmaan Diiriye: Soomaalidu waa inay dadweynaha iyo ajaaniibta kale wax la qeybsadaan, oo aysan iyagu isfiirsan

Cabdirahmaan Diiriye waa gudoomiye ku xigeenka dalada ay ku mideysanyihiin ururada iyo masaajidada islaamiga ah ee Norway ka dhisan(IRN, Islamsk Råd Norge).

Inkasta oo soomaalidu ay tahay qowmiyada muslimka ah ee ugu badan Norway, masaajidada ugu badana ku leh, hadana Cabdirahman waa soomaaliga kali ah ee xubin ka ah maamulka dalada IRN. Sidoo kale waa qofkii ugu horeeyay ee soomaali ah ee abid xubin ka noqdo, gudiga maamulka dalada ururada islaamiga ah ee Norway. Taas oo calaamad u ah in bulshada soomaaliyeed aysan sidii looga baahnaa ugu muuqan goobaha muhiimka ah ee looga arinsado arimaha iyaga saameynta ku leh.

[adsenseyu2]

Lix kamid ah sagaalka qof ee kujirto gudiga maamulka IRN, waxey kasoo jeedaan dalka Pakistan. Pakistaanida waxaa qowmiyada labaad ee ugu badan muslimiinta Norway, marka laga soo tago soomaalida. Balse waxey wadanka soo galeen xili hore, sidaas darteed way ka gal-gal iyo xiriir badanyihiin soomaalida. Halkan ka akhri warbixin aan arintaas ka qornay

NorSom News ayaa Cabdirahman ku booqatay xafiiskiisa, wuxuuna nooga warbixiyay IRN iyo howlaha ay qabato(Daawo muuqaalka hoose).

Dalladan waxaa la aasaasay 1993, kadib markii loo baahday in la mideeyo codka iyo cududa muslimiinta Norway degen. Waana dallad midaysa ururada Islaamka (masaajidada) ee Norway. IRN waxaa hada xubno ka ah 42 masaajid oo ku kala faafsan daafaha Norway, masaajidadaas oo ay xubno ka yihin dad musliim ah oo ku 89.000 (89 kun) oo qof.

IRN waxyaabaha ay qabato:

IRN waa dalada ugu weyn oo dowlada Norway ay kala tashato waxyaabaha ku saabsan nolosha muslimiinta Norway, waxeyna bixisaa leysinka xalaaleynta hilibka. Sidoo kale waxey Iimaamo salaada tujiyo u dirtaa dhalinyarada muslimiinta ah ee katirsan Milatariga Norway ama kujirto tababarka gurmadka qaranka(Militærtjenesten).

Sida uu Cabdirahman sheegay, waxey IRN dhawaan dhaqan-galin doontaa barnaamij caruurta islaamka ah oo ay hey´ada xanaanada caruurta(barnevern) qaadato, loogu sameynayo doono guri/qoys muslim ah oo xanaanadiisa la wareego. Macluumaadka arintaas ku saabsan, waxaa laga heli karaa Boga IRN.NO

Sidoo kale IRN waxey bixisaa barnaamij lagu garab-istaago dadka islaamka ah ee diintooda darteed loogu cunsuriyeeyay ama lagu faquuqay goobaha shaqada, waxbarashada, caafimaadka ama meelaha kale ee lagu kulmo. Barnaamijkaas oo loogu magacdaray TryggMuslim, ayaa ah mid qareeno iyo caawimaad kale oo xaga sharciga ah lagu taakuleynayo dadka islaamka ah ee diintooda darteed ay dhibaato kusoo gaartay ama lagu faquuqay. Macluumaad ku saabsan arintaas, halkan ka akhri. 

Cabdirahman Diiriye ayaa noo sheegay inay uruuriyaan tirada iyo xogta ku saabsan dadka lagu faquuqo diintooda, isla markaana ay u gudbiyaan dowlada si markaas looga soo saaro go´aano ku haboon. Muhiimaduna ay tahay in qofka muslimka ah uusan dhibaato ku dareemin heysashada diintiisa.

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x