torsdag, mars 28, 2024

Venstre oo diiday inay ka noqdaan taageeradooda awood ka qaadista laanta socdaalka

Xisbiga Venstre oo maalmo kahor ay soo baxday inuu wadahadalo kula jiro FRP iyo Høyre, ayaa galabta soo saarey war saxaafadeed ay ku sheegeen ineysan ka noqon doonin taageeradoodii hore ee mooshinka awood ka qaadista, hey´ada UDI-da ee kala noqoshada sharciga jinsiyada.

(Halkan ka akhri warka ku saabsan venstre oo wadahadal kula jiro dowlada)

FRP iyo Høyre ayaa Venstre usoo bandhigay inay taageerada arintaas ku badashaan kiis kale oo ku saabsan dib u dajinta da´yarta wadanka iska soo dhiibtay. Iyaga oo usoo jeediyay inay ka noqdaan taageerida mooshinka, iyagana kiiskaas kale loo meel-mariyo.

Venstre ayaa galabta sheegay inay diideen soo jeedinta xisbiyada dowlada, isla markaana aysan ka noqon dooni taageeradooda ku saabsan awood ka qaadista hey´ada laanta socdaalka ee UDI-da.

Xisbiyo lix ah ayaa soo jeediyay mooshin ku saabsan in maxkamad oo kali ah ay qofka ka qaadi karto sharciga jinsiyada. Mooshinkaas oo wali horyaalo baarlamaanka Norway.

Xigasho/kilde: NTB

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x