torsdag, mars 28, 2024

Sweden: Ururo islaami ah oo laga codsaday inay soo celiyaan lacag ay dowladu siisay

Ururka midowga muslimiinta dalka Sweden(Sveriges Förenade Muslimer) ayaa lagu codsaday inay dib usoo celiyaan lacag nus-milyan gaareyso, taas oo kaalmo ahaan ay uga heleen dowlada Sweden. Ururkan ayaa sidoo kale lumin doono taageerada dhaqaale ee uu sida caadiga ah sanadkii uga heli jiray dowlada dalkaas.

Dowlada Sweden ayaa ururkan dhaqaale ku siisay mashruuc loogu magac-daray» Dhalinyarada iyo su´aalaha ku saabsan mujtamaca», si looga hortago fikradaha cunsuriyiinta dalkaas ay fidiyaan. Laakiin baaritaan ay dabagal ay sameeyeen qaar kamid ah warbaahinta dalka Sweden, ayaa lagu soo bandhigay in ururkan ay casuumeen wadaado la sheegay inay taageero u hayaan ururada Daacish iyo Al-qaacida.

Sidoo kale waxyabaaha lagu heysto ururkan ayaa kamid ah in muxaadarooyinka ay qabtaan lagu soo bandhigo waxyaabo lidi ku ah hanaanka dimuqraadiyada, xaqa dumarka iyo sinaanta raga iyo dumarka(waa sida ay hadalka u dhigeene).

[adsenseyu2]

Ururka midowga muslimiinta Sweden, ayaa warqad qoraal ah oo ay u direen dowladda ku sheegay in shaqsiyaad iyaga ka tirsan labeegsaday, iyaga oo danbi aysan galin oo been-abuur ah loo sameynayo. Waxeyna raaciyeen in go´aanka looga codsaday inay soo celiyaan lacagtii la siiyay uu yahay mid qaldan oo aan sax aheyn.

Dalka Sweden ayaa waxaa isbuucyadii ugu danbeeyay kajirtay xamaasad iyo dareen xoogan oo ka dhashay weerarkii labo isbuuc kahor ka dhacay magaalada Stocklom. Iyada oo warbaahinta iyo siyaasiyiinta dalkaas ay diirada ku hayaan soo galootiga islaamka ah ee Sweden kunool.

Xigasho/kilde: Nettavisen.no, Aftenbladet.se

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x