SSB: Waa imisa tirada dadka soomaaliyeed ee doorashadan 2017 codeyn kara?

0
183

Wakaalada tirokoobka iyo xog-uruurinta Norway ee SSB, ayaa soo saartay warbixin ay uga hadleyso tirada dadka Norway kunool ee sanadkan xaqa u yeeshay inay codkooda ka dhiibtaan doorashada baarlamaanka.

Guud ahaan 3 756 400 qof ayaa sanadkan codkooda ka bixin kara doorashada, tiradaas oo ah mid wax-yar ka badan tiradii dadkii xaqa u lahaa inay codkooda dhiibtaan doorashadii hore ee sanadkii 2013. 

Tirada dadka waayeelka howlgabka ah(ka weyn 67-sano) ee codkooda dhiiban kara, ayaa sanadkan gaareyso 21%. Groupkan ayaa saameyn weyn ku yeelan kara natiijada doorashada sanadkan, sida ka dhacday qaar kale oo kamid ah wadamada Yurub. 

[adsenseyu2]

Soo galootiga iyo codbixinta: 

Dad tiro ahaan gaaraya 259 900 qof oo soo galooti ah iyo waliba ciyaalka ay dhaleen, ayaa sanadkan xaq u leh inay doorashada baarlamaanka codkooda dhiibtaan. Waxeyna soo galootiga iyo ciyaalka ay dhaleenba, 7% ka yihiin tirada dadka guud ee codkooda bixin kara doorashada baarlamaanka. Si kale hadii loo dhigo, waxey doorashadan ku yeelan karaan saameyn muuqato oo guud.

Pakistaanida ayaa kujirto kaalinta koowaad ee dadka soo galootiga ah ee xaqa u leh inay doorashada baarlamaanka codeeyaan, waxeyna tirada dadka pakistan kasoo jeedo ee codeyn kara sanadkan gaarayaan: 23 855 qof.

Dadka kasoo jeedo wadamada Ciraaq(17 110 qof) iyo Viitnaam(16 015), ayaa ku jiro kaalinta 2-aad iyo 3-aad ee dadka ugu badan ee soo galootiga ah, kuwaas oo xaqa u yeeshay inay sanadkan codkooda bixin karaan.

Soomaalida ayaa kujirto kaalinta 4-aad ee dadka soo galootiga ah ee sanadkan 2017 codkooda ka dhiiban kara doorashada baarlamaanka Norway.

Dad tiradoodu ay gaareyso 15 350 qof oo soomaali ah ayaa sanadkan xaq u leh inay codkooda bixiyaan. Waxaana tirada dadka soomaaliyeed ee xaqa u leh inay codka bixiyaan ku yimid kor u kac gaarayo 3655 qof, maadaama doorashadii 2013 ay tiradoodu aheyd 11 695 qof.

F.G: Guud ahaan waxaa Norway kunool dad soomaaliyeed oo tiradoodu ay gaareyso 42 217 qof(Halkan ka akhriso warbixin arintaas ku saabsan). Balse si uu qofku u yeesho xaqa codbixineed ee doorashada baarlamaanka, waa inuu heystaa dhalashada/jinsiyada wadanka + waa inuu ka weynyahay 18 sano.

SSB ayaa warbixin hore ku sheegtay in ku dhawaad 30% soomaalida Norway kunoo,l ay yihiin caruur kayar da´da 18-sano. Taas oo ka dhigan in dadbadan oo soomaali ah oo heysto jinsiyada wadankan aysan xaq u laheyn inay codeeyaan sanadkan.

Xigasho/kilde: SSB

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments