fredag, april 19, 2024

Soomaalida Strand oo lacag 40 kun NOK u uruurisay abaaraha Soomaaliya

Jaaliyada soomaaliyeed ee magaalada Strand, ayaa gurmadka abaaraha Soomaaliya u uruuriyay lacag gaareyso 40.000 NOK. Iyaga sameeyay howl cunto karin ah, kuna iibiyay goob weyn oo ay isugu imaadeen dad gaaraya ilaa 400 oo qof. Waxeyna lacagta kasoo xarootay howshaas, ku taageereen gurmadka abaaraha.

Journalka lokalka ah ee deegaanka Strand(Strandbuen), ayaa warbixin ka qoray howsha gurmadka abaaraha ee jaaliyada soomaaliyeed ee magaalada Strand.

Gudoomiyaha ururka soomaalida deegaanka Strand, Cabdirahman Moalin oo NorSom News lasoo xiriiray ayaa sheegay in howshaas ay kusoo dhamaatay guul, isaga oo u mahad-celiyay jaaliyada soomaaliyeed ee Strand iyo dadkii kale ee kala qeybqaatay howsha gurmadka abaaraha.

Abdirahman ayaa si gaar ah ugu mahad-naqay haweenka soomaaliyeed ee jaaliyada Strand, isaga oo sheegay inay ahaayeen lafdhabarta howsha cunto-karinta oo lacagta inteeda badan ay kasoo uruurtay.

Mid kamid ah goobaha cuntada lagu iibinayay
Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x