torsdag, april 25, 2024

Soomaalida ku cusub Sweden oo ay ku adkaaneyso inay leysinka darawalnimada qaataan

Wadanka Sweden ayaa dhawaan dhaqan-galiyay xeer cusub oo dadka raba inay qaataan leysinka gaadiidka dadweynaha ee Taxi-siga, ku qasbayo inay keenaan cadeyn ah, ineysan wax danbi ah galin shantii sano ee ugu danbeysay.

Xeerkan cusub ayaa caqabad ku noqon doono soo galootiga ku cusub dalkaas Sweden oo soomaalida iyo siiriyaanku ay ugu horeeyaan.

Hadii uu qofku Sweden degenaa wax ka yar shan sano, waxaa lagu qasbayaa inuu wadankiisa hooyo ka keensado cadeyn ah inuusan danbi galin shantii ee ugu danbeysay. Taas oo aan suurtogal u aheyn qoxootiga kasoo jeedo dalalka aysan Sweden aqoonsaneyn documentiyada kasoo baxa, sida Soomaaliya iyo Siiriya.

Arintan ayey dowlada Sweden ku micneysay adkeynta amaanka dadweynaha qaata tagaasida.

Shaqada taxi-ga ayaa kamid ah shaqooyinka ugu badan oo ay soomaalidu ka shaqeyso wadamada Scandanevianka.

Xigasho/kilde:Sverigesradio.se

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x