torsdag, mars 28, 2024

(Sheeko waalan): Askari German oo qoxootinimo isku dhiibay, si uu weerar u geysto

Waxaa dalka Austria lagu qabtay askari katirsanaan jiray ciidanka Germany, kaas oo Austria isku dhiibay inuu yahay qoxooti kasoo cararay colaadaha ka socdo dalka Siiriya, sidaasna sharci magangalyo ku helay.

Ninkan oo ahaa sarkaal iyo waliba Captan katirsan ciidanka Germany, ayaa isku dhiibay inuu yahay qoxooti siiriyaan ah, qoyskiisuna ay ahaayeen Chritian minoraty ah, kuwaas ooo faransiiska asal ahaan kasoo jeedo.

Ninkan ayaa luuqada Faransiiska bartay xili uu tabo-bar ku qaadan jiray xuduudka Germany iyo France. Inkasta oo uusan hal erey oo af carabi aqoonin, hadana waxaa laga rumeystay in qoyskiisa Christianka ah ay ka go´doonsanaayeen qeybaha kale ee Siiriya, isla markaana uusan jaanis u helin barashada luuqada Carabiga.

[adsenseyu2]

Maalin kahor ayaa la qabtay isaga oo isku diyaarinayo weeraro uu ka geysto wadamada Yurub, isla markaana waxaa u qorsheysnaa in danbigaas dusha laga saaro qoxootiga siiriyaanka ah, maadaama uu siiriyaan sheegtay.

Nasiib wanaag, waxaa dhaq-dhaqaaqiisa la socday ciidamada nabad-sugida Germany, Faransiiska iyo Austria oo iskaashanayo. Waxeyna sheegeen in ninkan ay markii horeba ka shakisnaayeen qaab dhaqankiisa.  Sidoo kale, waxaa gurigiisa oo kuyaalo Germanka laga soo helay hub iyo waxyaabaha qarxo, kuwaas oo uu diyaarinayay inuu weeraro kale ku geysto.

Arinta yaabka noqotay ayaa ah in ninkan intii uu qoxootiga iska dhigayay, uu dhanka kalena sii watay shaqadiisii askarinimo. Isaga oo labada wadan isaga kala gudbi jiray, sidoo kale mushaarkiisa askarinimo iyo lacagta kaalmada qoxootiga isku qaadan jiray.

Booliska Germany ayaa sidoo kale xabsiga u taxaabay ardey 24-sano jir ah, kaas oo lagu eedeeyay inuu ninkan gacan siinayay ninkan mudadaas uu laba wajiileynta ku noolaa.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no, Somalische.com

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x