Sida ay qoreyso wakaalada wararka wadankan Norway ee NTB, waxaa maalinta bari ah magaalada Bergen ka bilaaban doonto maxkamadenta nin 43 jir soomaali ah, kaas oo sanadkii 2015 dil u geystay xaaskiisa.

Ninkan ayaa horey u qirtay inuu ka danbeeyay falkaas dilka ah, isaga oo booliska isku soo dhiibay saacado kadib marka uu falkaas ka dhacay. Waxaana uu tan iyo xiligaas(2015), uu si kumeel gaar ah(xukun la´aan ah) ugu jiray xabsiga dhexe ee Bergen. 

NTB ayaa qoreyso in ninkan soomaaliga ah lagu sameeyay baaritaan dhanka dhameystir ahaan-shihiisa maskaxeed ah, taas oo gunaanadkeedu uu noqday in ninkan loo xukumi karo danbi ciqaabeedka lagu soo oogay, hadii ay maxkamadu ku hesho danbiga. Balse dac-wad oogayaasha ayaa sheegay in inta ay maxkamadu socoto ay dhici karto inay soo baxaan waxyaabo kale oo badali kara xukunka kama dambeysta ah ee maxkamada. Dacwada lagu oogay ninkan ayaa waxaa kamid ah inay dhici karto in si khasab ah lagu geeyo goobaha xanaanada dadka maskax ahaanta u xanuunsan.

[adsenseyu2]

43-jirkan oo heystay dhalashada dalkan Norway, ayaa waxaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad kale oo ah inuu jirdil u geysan jiray shan kamid ah lix caruur ah oo uu dhalay. Caruurtaas oo xiliga dilka uu dhacayay ay da´doodu u dhaxeysay hal ilaa 18-sano.

Sida uu NTB u sheegay qareenka 43-jirkan, wuxuu sheegay inay xaafada kajirtay xaalad isku dhacsanaan qoys ah, taas oo saameyn ku yeelatay caruurta. Balse wuxuu raaciyay inuusan fahmin dacwada lagu soo oogay oo ah inuu jirdil u geysan jiray caruurtiisa.

Maxkamadeynta ninkan ayaa socon doonto mudo labo isbuuc ah.

Xigasho/kilde: SMP, NTB

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of