tirsdag, april 23, 2024

NTB: Dowlada oo rabta in booliska ogolaansho loo siiyo inay ogaan karaan macluumaadka dadka ceyrta qaato

Sida ay qoreyso wakaalada wararka wadankan Norway ee NTB, dowlada Norway ayaa rabta in isbadal lagu sameeyo xeerarka kaalmada dadweyna(ceyrta), si booliska iyo ciidamada asluubta(kriminalomsorgen) ay u helaan awood sharciyeed oo ay ku ogaan karaan macluumaadka dadka ceyrta qaato.

Dowlada ayaa soo jeedisay in shaqaalada degmada(kommunaha) ay helaan fasax ay booliska ugu gudbin karaan macluumaadka dadka ceyrta qaata, hadii booliska ama asluubta(kriminalomsorgen) ah soo dalbadaan.

[adsenseyu2]

Wasiirada shaqada Norway, Anniken Hauglie(Høyre) ayaa sheegtay in la dhaafay xiligii xeerarka adag ee u degsan shaqada nidaamka ceyrta, ay keeni jireen in qof uu iska qariyo booliska iyo ciidanka asluubta(ilaalada xabsiyada).

Xigasho/kilde: NTB/RB.NETT

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
2
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x