fredag, april 19, 2024

Mid kamid ah dhalinyaradii Denmark laga celiyay oo warbaahinta la hadlay

Wargeyska Politiken ee dalka Denmark, ayaa shaley soo bandhigay in dowlada Denmark ay heshiis la gashay wafdi Soomaaliya ka socday, kuwaas oo dalkaas socdaal ku yimid bishii mai ee sanadkii hore. Halkan ka akhri warkaas. 

Wargeyska Berlingske ayaa maanta warbixin dheer ka qoray mid kamid ah dadkii soomaaliyeed ee uu heshiiskaas saameynta ku yeeshay, isla markaana Soomaaliya si khasab ah loogu celiyay bishii September ee sanadkii hore.

Ninkan uu Berlingske wareystay oo hada ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay in uu jiray nin kale oo soomaali ah, kaas oo la saarnaa diyaarada lagu celiyay oo labadooda iyo askar Danish ah ay wada saarnaayeen.

[adsenseyu2]

Wuxuuna sheegay in labada gacmood uu ka xirnaa saacidihii badnaa ee uu saarnaa diyaaradaas, iyada oo sidoo kalena madaxa loo galiyay koofiyad bir ah, taas oo culeykeeda dartiis uu awoodi waayay inuu madaxa dhinac u leexiyo.

Ninkan oo magaciisa ay Berlingske kusoo gaabiyeen Maxamud ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya iyo saraakiisha garoonka diyaarada Muqdisho, ay wax ka ogaayeen soo celintiisa, isla markaana lagu sii wargaliyay inta aysan Denmark kasoo bixin.

Markii ay diyaarada ka tagtay garoonka Aden-Cade, waxaa diyaarada soo fuulay nin soomaali ah, kaas oo badalay askartii Danisha ahaa ee diyaarada la saarnaa. Waxaa intaas kadib loo geeyay saraakiisha Airportka, kuwaas oo weydiiyay magaciisa, meesha uu ka yimid iyo waliba qabiilkiisa. Waxaana loogu cago-jugleeyay in hadii ay saxaafada la hadlaan, ay iyagu masuul ka noqon doonaan wixii ku dhaca.

Wargeyska Politiken ayaa sidoo kale sheegay in Denmark ay si qarsoodi ah Soomaaliya dad ugu celinaysay, tan iyo sanadkii 2014, markaas oo ay ogolaansho ka heleen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mahamoud. Halkan ka akhri warkaas. 

Warbaahinta Denmark ayaa maalmahan aad u hadalheyso heshiiskaas afka ah oo ay Denmark la gashay wafdi ka socdo xukuumadii hore ee Soomaaliya. Waxaana yaab noqotay in Denmark oo sheegato inay kamid tahay wadamada horumarayy ay heshiis af ah(qoraal iyo saxiix la´aan ah) la gasho Soomaaliya oo kamid ah wadamada ugu musuq-maasuqa badan aduunka, isla markaana uu heshiiskaasna saameyn ku yeesho nolosha boqolaal qof oo magangalyo doon ah.

Xigasho/kilde: Berlingske.dk, Politiken.dk

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x