tirsdag, april 23, 2024

Mataano isku mar magangalyo codsaday oo jawaabo kala duwan ka helay codsigooda

Ahmad iyo Hasan Hifzy waa labo wiil oo mataano ah oo kasoo jeedo dalka ay ka socdaan dagaalada sokeeye ee Siiriya. Sweden ayay iyaga oo wada socdo soo galeen, waxeyna isdhiibeen hal-mar, iyaga oo sheegtay sheeko isku mid ah. Sidoo kale socdaalkooda Siiriya ilaa Sweden ayaa ahaa mid isku mid ah oo hal wado ayey soo mareen.

Labadan wiil ee mataanaha ah ayaa codsigooda magangalyada ka helay labo jawaabood oo kala duwan. Mid waxaa la siiyay sharci degenaansho rasmi ah(joogto), halka kan kelana uu helay sharci magangalyo kumeel gaar ah.

[adsenseyu2]

Arintan ayaa noqotay mid ay warbaahinta Sweden aad u hadalheyso maanta, waxaana sababay isbadal ku yimid xeerarka magan-galyo doonka laanta socdaalka dalka Sweden.

Xeerka cusub ee laanta socdaalka Sweden ayaa horay loogu eedeeyay inuu noqon doono mid aan loo sineyn oo bakhtiyaa nasiib noqon kara, iyada oo dhanka kalena muddada jawaabta laga sugo codsiga magangalyada, uu saameyn ku yeelan karo nooca jawaabta ee uu qofku heli karo.  Ama inuu qofka heli doono magangalyo wadata degenaansho joogto iyo inuu qofku helo magangalyo kumeel gaar ah, oo u baahan cusbooneysiin.

Xigasho/kilde: Sverige-radio.se

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x