(Maqaal)-Cabdiraxmaan Jaamac: Dhibku ma ahan inaan lacag dirno, ee waa in shaqadeenu ay yartahay

4
136

Waxaan maanta shaqada kadib soo marey maqaaxi soomaaliyeed oo kutaal xaafada Grønland oo aan deganahay. Waxaan arkay dhalinyaro soomaali ah oo maqaaxida ku shaahayo, kuwaas oo hadalhayo maqaal uu shaley wargeyska aftenposten ka qoray lacagaha aan u dirno wadankii.

Waxaan isku dayay inaan sheekadoodu dhuuxo inta aanan ku sheeko-darsan. cabaar kadib markaan dhageysanayay warkooda ayey ii cadaatay in badankoodu ay ku mashquulsanyihiin hadalka ninka Iiraaniga ah uu ka yiri arintaas, waxeyna ilawsanaayeen arin aniga taas igala muhiimsan oo aheyd shaqo la´aanta dadkeena.

Aad baan u necbahay inaan maqlo hadalka ninkaas soomaalida shaqo ka dhigtay, balse waxaa ii cadaatay inuu arkay kala daadsanaanta iyo isgarabyaaca soomaalida. hadeysan jaajuus soomaali ah la shaqeynin, koleyba waxaan filayaa inuu sifiican uga warqabo xaaladeena. Waligey ma arkin ninkaas oo qowmiyad kale ka hadlayo, xitaa kuwa uu isku dhiibay ee Iiraan.

Hadaad sifiican u akhrisateen maqaalka aftenposten, wuxuu ku saabsanaa in lacagta ugu badan ee aan dirno ay tahay mid nagu soo gashay qaabka ceyrta ah.

Dhibaatadu ma ahan inaan lacag dirto, ee dhibaatadu waa in aanan shaqeysan inteena badan, hadana lacagtii yareyd ee nasoo gashay aan wadankii u dirno.taas ayaa tooshka nagu soo jeedineyso ma ahaane, dhibaato maleh in qofku uu lacag dirsado.

[adsenseyu2]

Aniga waan shaqeeyaa shaqo full fast tid ah, balse waxaan ahey soomaali oo magacaas ayaa la wataa walaalaha aan shaqeysan. Lacagta aan shaqeysto, markii aad canshuurta ka bixiyo kadib aniga ayaa xor u ah oo meeshii rabo u dirsan karo wixii aan rabana ku isticmaali kara.laakiin hadaanan shaqeysan oo aan ceyr qaato, shilinkii isoo gala ninbuu feeraha uga xisaabsanyahay. mana la yaabani inuu igu sheegto xoogaaguu isiiyay.

Run ahaantii dadka ugu badan ee lacagta Norway ka dirsada, waa nimanka Boolaandeeska ah ee guryaha iyo dhismaha ka shaqeeyo. Balse kuwaas cidna uma xisaabsana, maadaama ay lacagtoodu ayaga shaqeysteen, wadankoodana wey kahormarsadeen oo dhismeyaal iyo guryo qurxoon ayey wada leeyihiin.

Hadalkeyga waxaan kusoo dhameynayaa, ceeb ma ahan inaan lacag u dirno wadankii, waana waajib diini ah oo na saaran. Balse waxaan ceeb ah inaanan shaqeysan, xoogaagii caruurta nalagu siiyeyna aan biilal ukala dirno. Aan fadhiga ka kacno oo shaqeysano.

Mahadsanidiin.

W.Q: Cabdirahmaan Jaamac


Hadii aad rabto inaad bulshada soomaaliyeed ee Norway la wadaagto fikirkaaga, aqoontooda, khibradaada ama hamigaaga, waxaad qoraalkaada noogu soo dirtaa: NorSomnews@gmail.com

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

4 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
Mounir
Mounir
7 years ago

Asc.
Runtii qofka maqaalkan soo qoray waa qof fahmay halka ay sartu ka qudhuntay, sida uu sheegayna ujeedada ugu wayn ee ay warbixintaasi daarnayd waxay ahayd INA SOOMAALI waa ma shaqayste…

Aniguna waxaan leeyahay ILMA SOOMALIYEEY shaaha ka kacoo shaqaysta…. fadhi ku dirir iyo fiid meerid feceen yey inaga reebin

Captan
Captan
7 years ago

Asc
Abdirahman jamac waxaad abaartay runta. Waana ka damqadaa marka soomaali tusaale lagu soo qaato qof naga mida oo jecelna maleh in tusaale aan noqono. Lkn hanoqono dad iska war haya iskuna duuban sharafteenana ha ilaasho. Asc

Najib
Najib
7 years ago

Walal waad mahadsan tahay. Ajar iyo xasasanaad alaha kaa siiyo maqaalka aad noo soo gudbisay . Caqliga wanaagsan ayaa smaha garta …..

Nuura
Nuura
7 years ago
Reply to  Najib

Asc aad baad u bahadsantay gaar ahaan maqaalkan aad soo gudbisay runtii waa mid xaqiiqada ku salaysan waanad ku mahadsantay mar iyo lababa
ilahay wax khayr qaba hayno sahlo wixii sharwadana haynaga qabto
lakin dadaalku waa muhiim qof kastaba shaqo inu uguntado waa muhiim sida aad sheegtay walalkiis maha inaan caydh lacag moodno iyo bahdilaad joogto ah runtii
dhamaanteen anuku fakarno taa saan uga bixi lahayn.asc