(Maqaal) Abdul M.Ahmed: Faaiidooyinka isku duubnida iyo casharkii laga bartay howshii gurmadka abaaraha

Qoraalkan kooban waxaan ku eegi doonaa, arrimo ay ka mid yihiin, gurmadka abaaraha, doorashooyinka golaha shacabka ee Norway (Stortingetsvalg) iyo sharciyada qoxootiga.


Abaaraha:

Abaaraha dad iyo duunyaba galaaftay ee geyiga Soomaali soo maray ma tiro yara, haddana wax ka qabashada iyo u diyaar garowga abaaraha ayaa aad u yar amaba muuqan. Dadku siyaabo kala duwan ayey inta badan u micneeyaan sababta diyaar garow la,aanta iyo wax ka qabashada abaaraha. Waxaase laysku raacsan yahay in ay xaaladuhu ka roonaanyeen intii ay jirtay dawladii dhexe dagaalka sokeeye ka hor. Waxaa tusaale loo soo qaataa abaartii daba-dheer ee Soomaaliya soo martay, gaar ahaan gobbolada waqooyi dhammaadkii 1974 oo socotay ilaa horaantii 1975. abaartaas ayaa waxaa lagu tilmaamaa inay ahayd abaartii ugu darnayd ee soo marta geyiga Soomaali, iyo sidii dawladii markaa jirtay ula tacaashay.

Abaaruhu si wareegta ah bay uga dhacaan Soomaaliya, waxaana la qiyaasaa in 5tii sanaba, laba sano ay abaar yihiin. Saddex xilli roobaad oo baaqday ama roobabkoodu aad u yaraayeen, iyo dalalka dariska ah oo ayagana ay abaari haleeshay, waxay sababeen in Abaar aan horay u soo marin Soomaaliya ay ku habsato sannadkii 1974tii.(Dr. Axmed Dalmar)

Waxaa isla mar ahaantaas dadkii u soo joogay labada abaarood, waa tan xilliga hadda ah aynu ku jirno iyo tii 1974 ay sheegayaan inay tani aad uga sii daran tahay tii 1974tii. Waxaa intaas dheer in dad da’ ah oo Illahay cimrigooda u barakeeyey ay qireen in abaartan mid la mid ah intii ay noolaayeen ayna u soo joogin.

Waxaa runtii bogaadin iyo ammaan mudan dadka Soomaaliyeed ee caalamka dacaladiisa ku kala nool ee sida wada jirka ah ugu gurmaday walaalahood, una tafa xaytay samata bixinta walaalohood. Waxaa boggaadin gaar ah mudan guddiga abaarah ee Norway iyo hay’ada Xanaano oo sammeeyey gurmad waddanka oo dhan ah (Norway). Gurmadkaas oo lagu soo uruuriyey lacag wax ku ool ah. Haddaba gurmadka abaaruhu wuxuu ahaa cashar aan ku baranay wadajirka faa,iidada ay leedahay. Haddii koox aan u qaybsanaan lahayn waxaan is leeyahay intii noo soo xarootay ma soo xarooteen, in kasta oo ay jiraan dad si gaar ah isu xilqaamay oo tabaruucaad fiican ka gaystay, laakiin wada jirka wax ka fiican gaabad waaye.

Doorashada Sebteember:

Sida laga wada war qabo, waxaa inagu soo fool leh doorashadii golaha shacabka ee Norway. Sida rag iyo dumar hore laga yaabo inay wax ka qoreen doorashada inagu soo foolka leh waa mid lagu xisaabtamayo codkaaga. Hadaba codkaaga ma adeegsan doontaa? mase u adeegsan doontaa si taxadar leh?.

Sida inta badan looga bartay dadka Soomaaliyeed ee leh awooda cod bixin, intooda badan maba adeegsadaan, inta adeegsatana waxaa laga yaabaa inayna siin xisbi ay aad u akhriyeen barnaamijkiisa siyaasadeed iyo aragtidiisa ajaanibta. Hadaba sanadkan waxaan rajaynayaa in qof kasta oo leh awood ama xaq cod bixin inuu adeegsado una adeegsado xisbiga uu ka dhex arko dantiisa.

Anigu xisbi gaar ah kuma talinayo, qofka ayaa laga rabaa inuu baaritaan sammeeyo kadibna u codeeyo kii uu ku qanco. Waxaase muhiim ah inaad codeeyso oo codkaaga aad wax ku bedeshid. Axsaabta siyaasadeed badankoodu waa diyaariyeen barnaamijkii siyaasadeed ee ay ku shaqayn lahaayeen, waxaa kaliya ee kaa xiga waa inaad akhrido.

Sharciyada qaxootiga:

Waxay sanadihii u dambeeyey bilowday xukuumada wadaaga ah ee Erna Solberg inay qaxooti badan oo Soomaali ah sharciyada lagala noqdo ama loo soo diro digniin sharciga lagaga la noqonayo. Arrintaas waxay abbuurtay cabsi iyo jaahwareer badan oo dadkii soo foodsaaray. Dadka ay saamaynta ku yeelatay waxay u badan yihiin dad dhallinyaro ah waddanka ku cusub. Sida arrimahaas wax looga qaban karo aragtiday waa in lays abaabulo, oo la sammeeyo ururo ama kuwii hore boorka laga jafo oo la shaqo geliyo si wax looga qabto culayska dadka soo fuulay ee sharciyada ku saabsan.

Gabogabadii:

In si wada jir ah loo gurmado, in codkaaga aad wax ku bedsho iyo inaad ururo wax ka qabta sharciyada sammayso waxay u baahan tahay in si isku duubni ah loo dagaal tago. Qasab maahan in dadka oo dhami isku aragti noqdaa, laakiin waxaa muhiim ah inaan leenahay dan kaliya oo naga dhexeysa, ogaanaana in aan Soomaali wada nahay. Waxa Waddankii (Soomaaliya) ka jirana waxaan wax ka bedeli karnaa marka aan xaalkeena halkan(Norway) wax ka bedelno. TIISABA DARYEELAA TU KALENA KU DARA.

W.Q: Abdul M. Ahmed


Hadii aad rabtid inaad aqoontaada, fikirkaaga, khibradaada ama hamigaaga aad la qeybsato bulshada soomaaliyeed ee Norway, waxaad qoraalkaada noogu soo gudbin kartaa: NorSomnews@gmail.com

[adsenseyu2]

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of