Laacibiinta soomaalida ah ee sanadkan kasoo dhex-muuqan doono horyaalada kubada cagta Norway

0
163

Waxaa maalintii shaleyto aheyd xariga laga jaray horyaalada kubada cagta dalkan Norway, heerarkiisa kala duwan. Waxaan halkaan kusoo gudbineynaa qaar kamid ah laacibiinta soomaalida ah ee sanadkan kasoo dhex muuqan doono horyaalada heerka 1-aad iyo kan labaad.

Horyaalka heerka koowaad(Tippeligaen):

  1. Abdisalaam Ibrahim(Cadaay):(Vålerenga)…Boos: Khad-Dhexe, weerar xigeen..Nr: 6…Cadaay wuxuu kamid ahaa kooxdi joogtada ah(kooxda mar walba lagu soo bilaabo) ee Viking. Vålerenga ayuu kusoo biiray maalin kahor, isaga oo dib ila midoobay macalinkiisii hore ee Ronny Deila.

  2. Liibaan Cabdi Ali:(Haugesund). Boos: Weerar garab ah. Nr: 7. Dhamaadkii xili ciyaareedkii hore ayuu Haugesund kusoo biiray. Sanadkii hore wuxuu badanaa kulamada kusoo gali jiray badal, ama intii lagu bilaabo ayaa gadaal laga badali jiray. Liibaan wuxuu horey uga soo ciyaaray horyaalo kala duwan oo Yurub ah.

  3. Moussa Njie: Stæbek..Boos: Weerar garab ah. Nr: 11..Muuse waa laacib ay hooyadii soomaali tahay, aabihiina Gaambiyaan. Wuxuu u safan jiray kooxda Vålerenga Oslo, balse sanadkii 2015 ayuu u wareegay Stæbek, isaga oo kamid ah kooxda joogtada ah ee Stæbek.

Horyaalka heerka labaad(Obos Ligaen):

  1. Ciise Midnimo: Koox Ull/kisa: Boos: Difaac dhexe. Nr: 4.. Ciise waa captankii hore ee xulka qaranka Soomaaliya iyo kooxdii Elman. Dhowr kooxood oo kala duwan ayuu usoo ciyaaray horyaalada kubada cagta Norway, isaga oo sanadkii hore u ciyaarayay kooxdii heerka 3-aad u dagtay ee KFUM. Ull/kisa ayaa lasoo wareegtay sommerkii lasoo dhaafay, isaga oo u saxiixay heshiis 2 sano ah.

  2. Mohamed Ahmed (MO): Tromsdalen. Boos: Weerar. Nr: 20…MO waa captanka kooxda Tromsdalen oo ah koox ka dhisan magaalada Tromsø, isla markaana sanadkan usoo gudubtay horyaalka heerka labaad ee kubada cagta Norway.

  3. Anas Farah Ali: Fredrikstad.: Boos: Khad dhexe. Nr: 24. Anas waa laacib junior dhalinyaro ah oo kasoo baxay kooxda yar-yarka ee Fredrikstad.

    [adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments