Howshii gurmadka abaaraha, ma noqon karto jaran-jaro siyaasadeed iyo mid shaqsiyeed

1
113

Howshii gurmadka abaaraha, waxey soomaalida Norway uga qeybqaateen si isku duubni ah oo aan loo kala harin. Mid magaciisa lacag lagu uruuriyo, mid lacag bixiya, mid lacag soo uruuriya, mid xoogiisa bixiya oo cunto kariya iyo mid gaadiidkiisa iyo gurigiisa bixiyaba, waxey aheyd shaqo umadeed oo soomaalida Norway ay si buuxdo oo niyad wanaag ah uga qeybqaateen.

Waxey howshaas kusoo dhamaatay si niyad wanaagsan oo lagu wada faraxsanaa. Iyada oo ay noo aheyd cashar wanaagsan oo laga baran-karo, muhiimada isku duubnida, wadajirka iyo wax wada qabashada.

Howshaas anaa ka danbeeyay(Anaa hooyo u ahaa):

Sida aan kor kusoo xusnay, howsha shaqada gurmadka abaaraha waxey aheyd howl umadeed oo aan loo kala harin. Mana jiro cid gaar ah oo galadeeda sheegan karto, ilaa soomaalida Norway oo isku duuban ma ahaane. Hase yeeshee waxaa jiro qoraalo lagu baahinayay qaar kamid ah warbaahinta norwiijiga iyo kuwa soomaalida maalmihii ugu danbeeyay iyo waliba intii ay howsha socotay, kuwaas oo shaqsiyaad gaar ah ay sheeganayaan inay ayagu ahaayeen dadkii ka danbeeyay howsha gurmadka abaaraha.

Waxaan helnay qoraalo lagu faafiyay warbaahinta soomaalida ee dibada laga leeyahay iyo waliba qaar kamid ah warbaahinta norwiijiga, kuwaas oo howshii gurmadka abaaraha loo yeelay taariikh ay ku xardhantahay dan shaqsiyeed, loona muujinayo in howshaas ay ka danbeeyeen dad gaar ah ama urur gaar ah. Taasna waxey xadgudub ku tahay shaqadii wadajirka aheyd oo soomaalida Norway, ay sida niyad-wanaaga ah uga wada qeybqaateen.

Wiilka soomaaliga ah ee Tromsø banaanka taagnaa saacado dhowr ah, si uu lacag u uruuriyo iyada oo qabowgu uu -20 marayo, hooyada soomaalida ah ee caruurteedii iyo gurigeedii kasoo tagtay si ay banaanka ugu iibiso cunto magaalada Lillehamar, aabaha soomaaliga ah ee shaqadiisii kasoo tagay si uu gaadiidkiisa uga qeybqaato howsha gurmadka magaalada Kristiansund, iyo gabadha soomaalida ah ee maalin dhan koombo la wareegeysay magaalada Drammen/Moss/Oslo/Asker/Bærum/Trondheim iyo magaalooyinka kaleba, howsha ay intaas oo qof oo aan is aqoon ay si wadajir ah u qabteen, qofbaa rabo in isaga lagu shaabadeeyo oo uu guusheeda yeesho.

Mahad haka gaartee, hadii ay cid galad ku sheeganeyso shaqadii gurmadka abaaraha, waxey ahaan laheyd ururka hanaano oo la´aantiis aysan howshaas suurto gasheen. Balse dad kamid ah kuwii ugu shaqo yaraa intii ay howsha socotay, ayaa hada sheeganayo inay ayagu ahaayeen dadkii howshaas ka danbeeyay( ama hooyada u ahaa, waa sida ay sheegeene)

Ugu danbeyn, shaqadii gurmadka abaaraha waxey aheyd mid lagu guuleystay oo niyad wanaag iyo kalsooni umadeed kusoo dhamaatay. Waxey aheyd cashar aan ka baran karno awoodeena umadeed, hadii la isku geeyo oo hal meel loo wada jeediyo.

Si loo ilaaliyo kalsoonida shaqo iyo niyad wanaaga dadkii sida wadajirka ah uga soo shaqeeyay howshaas, waxaa haboon in dadka dantooda shaqsi ay uga dhex-muuqato howshaas ay xishoodaan. Ugu yaraan ay qoraalada ay warbaahinta kale ku faafinayaan, ay u yeelaan waji umadeed.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

1 Comment
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
Cabdi
7 years ago

Waxaa kaxishooteen inaa magacyada dadkaas sheegtaan lakin waxan arkay qoralka naagta ladhaho ubah cabdulqaadir oo xisbiga shaqaalaha katirsan ay so galisay hiiran.com