fredag, april 19, 2024

Ganacsato soomaali ah oo shaley shirkad cusub oo isgaarsiineed kusoo bandhigay magaalada Oslo

Ganacsato soomaali ah ayaa shaley magaalada Oslo kusoo bandhigtay shirkada Amtel, taas ah shirkad isgaarsiineed oo nooc cusub ah oo dhawaan laga hirgalin doono Soomaaliya.

Amtel ayaa ah qeyb kamid ah shirkada ganacsi ee Amal Group, waxaana Oslo kusoo bandhigay qaar kamid ah maamulkeeda oo sheegay inay soomaalida iyo ganacsatada reer Norway  usoo bandhigayaan fursad share(saami) gadasho shirkadan cusub ah. Iyaga oo sidoo kalena socod kusii mari doono wadamada kale ee Yurub, sida Sweden iyo U.K.

Maamulka Amtel ayaa xafladii bandhiga shaley ka sheegay in shirkadan ay Soomaaliya keeni doonto nooc isgaarsiineed oo isku xiri kara gobolada iyo degmooyinka kala duwan ee Soomaaliya, isla markaana uu qofku hal SIM-CARD ku isticmaali karo soomaaliya oo dhan. Waxeyna sheegeen inay aad uga duwanyihiin shirkadaha isgaarsiineed ee xiligan ka howlgala Soomaaliya, marka loo eego xaga adeega ay bixin doonaan iyo waliba qalabka ay isticmaali doonaan oo ah mid casri ah.

Sidoo kale waxey raaciyeen in shirkadan ay bixin doonto adeegyada kale ee isgaarsiinta sida Internetka, lacagaha mobilka lagu kala dirsado IWM.

Xarunta dhexe ee Amtel ayaa noqon doonto magaalada Muqdisho, iyada oo sidoo kalena laamo ku lahaan doonto dhamaan gobolada Soomaaliya.

Share: halkii share(saami) waa 1.000 $

Ganacsatada soomaalida ah ee shaley Amtel kusoo bandhigay Oslo, ayaa sheegay in qofkii raba inuu share ku yeesho shirkadan cusub uu lasoo xiriiri karo xafiisyada shirkada Amal Group. Waxeyna sheegeen in halkii share(saami) lagu iibsan karo lacag dhan 1.000$, qofkuna uu ugu yaraan shirkada ku yeelan karo 5 share(saami).

Hadii aad daneyneyso inaad shirkadan share ku yeelato ama aad rabtid inaad la xiriirto maamulka shirkadan, waxaad booqan kartaa www.amtelkom.com(halkan Click Sii) ama wac tlf: 94734116

Halkan ka daawo muuqaalka xafladii bandhigii shaley. 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x