Dr.Abdirashid Warsame: The Young Ambassadors: hawl-karsanaa hablahayagu

0
177
Dr. Abdirashid Warsame: Cilmi-baare caafimaad, isbitaalka Rikshospitalet. Foto: SSF

Arbacadii la soo dhaafay ee 19-ka bishan Abril, waxaa guriga Safiirka Maraykan ee Oslo ee loo yaqaan Villa Otium lagu qabtay xaflad qalin jebin ah oo loo sameeyay arday da’yar ah oo dhamaysatay barnaamij waxbarasho oo muddo hal sano ah socday.

Barnaamijkan waxaa loogu yeedhaa; Barnaamijka Safiirada Da’da yar ( the Young Ambassadors Program), waxaa la aasaasay sannadkii 2009, waxaana maalgeliya ama gacan ka geysta Safaaradda Maraykan ee Norway iyo hay’ado kale oo ay ka mid yihiin Google iyo Firsthouse. Barnaamijku waa tababar deeq-waxbarasho ah oo loo fidiyo 20 dhaliyaro ah da’doodu u dhexayso 16-19 sano kuwaas oo laga soo xusho dalka Norway oo dhan.

Sannad walba waxaa soo codsada barnaamijkan in ay ka qayb galaan tiro aad u badan oo dhallinyaro ah, waxaase laga xushaa labaatanka qof ee ugu qiimaynta wanaagsanaada. Dhalinyaradaas waxaa lagu ababiyaa hoggaan-wanaagga, hawl-karnimada iyo hal-abuurka wanaagsan, waxaana lagu dhiirri geliyaa in ay aamminaan in kartidooda iyo waxqaabadkoodu beddeli karo naftooda ayna mustaqbalka saamayn togan ku yeeshan bulshada ay ku dhex nool yihiin.

Sannadkasta marka koox dhallin yaro ahi barnaamijka dhamystaan waxaa guriga Safiirka Maraykan ee Oslo loogu qabtaa xaflad qalin-jebin ah, taas oo ay qayb galaan; ardayda qalinjebinaysa iyo waalidiintooda, gudigga barnaamijka, hay’adaha maalgeliya barnaamijkan, tababarayaasha (mentors) iyo dadkii casharada ka bixiyay barnaamijka sannadkaas, iyo qaar ka mida ardaydii barnaamijka sanado hore ka aflaxay (alumni).

Waxaan ka mid ahaa dadkii ka qayb qalay xafladdaas arbacadii la soo dhaafay guriga Safiirka Maraykan; waxaan ka mid ahaa dadkii ahaa dadkii casharada (lectures) ka jeediay, waxaan ka dibna tababare (mentor) ka noqday barnaamijkaas. Arrinta sida sida gaar ah ii xiiso gelisay waxay ahayd in aan xafladda kula kulmay saddex gabdhood oo dhaallinyaro ah oo Soomaali ah, saddexdooba magacooda wuxuu ka billawdaa xarafka S marka Af-Soomaali loo qoro, Sagal, Sumaya iyo Suhayr(Zuhayr). Saddexduba waxay qayb ka ahaayeen barnaamijka. Laba dhallinyaradaas ka mid ah hore ayaa u garanayay oo sanadkan intii barnaamijku soo socday ayaan bartay, gabadha kalen a xafladda qalinjebinta ayaan isku barannay.

Sumaya iyo Suhayr waxay ka mid ahaayeen 20-ka arday sannadkan 2017 ka qalin jebiyay barnaamijka Safiirada Da’da yar (the Young Ambassadors Program), halka Sagal ay ka mid tahay Guddigga Barnaamijka (the Board Member of the Young Ambassadors Program).

Aad ayaan ugu diirsaday in dhalinyarada Soomaaliyeed ka dhex muqdaan ardaydii qalin jebinaysay iyo gudigga shaqada hagayayba. Waxaan waqti ayaan isu helnay dhalinyadaas, waxaana ii suurta gashay in aan mid mid u xog-waraysto waxa ay doonayaan in ay bartaan mustaqbalka; mid ka mid ah waa ardayad ku jirta sannadka saddexaad ee kulliyadda Sharciyada, mid waxaa u qorshaysan in ay dhaqtar noqoto, tan saddexaad waxay haysaa waddadii in ay noqon lahayd diblomaasiyad ka shaqaysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Norway.

Waxaan aaminsahay in saddexuba ay ka mari dhalin doonaan hammigooda mustaqbalka. Gabdhahan iyo dhalinyaro kale oo badani waxay tusaale waanaagsan u yihiin jiilka cusub ee Soomaalida Norway, waxay dhiirri gelin u yihiin waalidiinta Soomaaliyeed, siiba hooyooyinka oo ku hawlan ababinta ubad maarayn kara noloshooda isla markaasna bulshada wax ku kordhinaya. 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments