fredag, mars 29, 2024

Dowlada oo rabto in imtixaanada Prøve 2 iyo 3 lagu xiro dadka raba iney ka shaqeeyaan barnehagayaasha

Dowlada Norway ayaa rabta inay soo rogto sharuud cusub oo ku saabsan dadka ka shaqeeyo xarumaha xanaanada caruurta(Barnehage). Waxeyna soo jeedisay in dadka rabo inay ka shaqeeyaan xarumahaas, lagu xiro shuruud ah  inay kusoo baaseen imtixaanada Norske Prøve 3 Muntlig iyo Norsk prøve 2 Skriftlig.

Shardigan ayaa qaban doono dadka raba inay codsadaan shaqada xarumaha xanaanada caruuurta, wixii hada ka bilowdo. Wuxuuna shardigan qaban doonaa dadka aan laheyn aqoon sare oo ku saabsan ka shaqeynta xarumaha xanaanada.

Dowlada ayaa sidoo kale sheegtay in xarumaha xanaanda caruurtu ay u fasaxanyihiin in qofka aysan ku xirin shardigaas, hadii uu leeyahay aqoon kale oo kabi karta ama buuxin karta.

Dad badan ayaa horey uga soo dacwooday in qaar kamid ah dadka soo galootiga ah ee ka shaqeeyo xarumaha xanaanada, aysan si fiican isku fahmin waalidka dhaley caruurta, aqoonta luuqada oo liidato darteed.

Wasiirka waxbarashada Norway ayaa sheegay in hadii la rabo in xaalada caruurta sifiican loola socdo, isla markaana uu xiriir wanaagsan dhex-maro waalidka iyo qofka ka shaqeeyo barnehagaha, ay muhiim tahay inay jirto aqoon wanaagsan oo xaga luuqada ah.

Dowlada ayaa soo jeedintan u diri doonto baarlamaanka, waxaana looga soo jawaabi doonaa inta aan la gaarin 19. bisha juni ee sanadkan.

Xigasho/kilde: UTDANNINGSNYTT, NTB

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x