torsdag, mars 28, 2024

Dowlada: Si aad u hesho lacagta Konstantsøtten waa inaad ugu yaraan 5 sano Norway degenaataa

Dowlada Norway ayaa mar kale ku celisay soo jeedinteeda hore oo aheyd in meesha laga saaro xuquuqda dheeriga ah oo ay helaan dadka qoxootiga ah. Waxeyna soo jeedisay in si isku mid ah loola dhaqmo dadka wadanka magangalyada usoo doontay ee qoxootiga ah iyo dadka wadanka u dhashay ee norwiijiga ah.

Wasiirada arimaha dhaqaalaha Siv Jensen ayaa sheegtay in xaqdaro ay tahay in dadka qoxootiga ah ay helaan xuquuq dheeri ah oo ka badan dadka kale, marka loo eego meelaha qaar.

Howlgabka iyo dadka aan shaqeyn karin:

Mid kamid ah qodobada ugu muhiimsan oo ay dowladu iyo Siv Jensen ay soo jeediyeen ayaa ah, in soo galootiga ay si lamid ah sida dadka kale ay ugu yaraan 40 sano ay wadanka ka shaqeeyaan, si ay helaan lacagta ay qaataan dadka howlgabka noqday(Pensjon) iyo dad aan awoodin inay shaqeeyaan(uføretrygd).

Waxaana lasoo jeediyay in soo dadka qoxootiga ah ee dhaafay da´da 67 sano ama dad aan shaqeyn karinee aan buuxin shardigaas, la siiyo lacag yar oo ay nolosha ku ceshtaan.

Dowlada ayaa sidoo kale soo jeedisay in qofka qoxootiga ah uu ugu yaraan wadanka degenaado 5 sano, si uu u helo lacagta la siiyo waalidka heysto caruurta ay da´doodu u dhaxeyso sanad ilaa labo sano, isla markaana aan dhigan barnehage dowladeed.

 

Xigasho/kilde: Nettavisen, Kommunalrapport.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x