tirsdag, april 23, 2024

Denmark: Waalidiin soomaali ah oo xabsi lagu xukumay, kadib markii lagu eedeeyay inay gabdhahooda gudeen

Maxkamad kutaal degmada Kolding ee dalka Danmark, ayaa hooyo iyo aabe soomaali ku xukuntay sanad iyo bar xabsi ah, kadib markii lagu soo eedeeyay inay gabdhahooda gudeen. Hooyada gabdhaha dhashay ayaa waxaa sidoo kale lagu xukumay xukun musaafurin ay shuruud ku xirantahay ah, maadaama aysan heysan dhalashada dalkaas Denmark.

Waalidiintan soomaalida ah ayaa iska fogeeyay fal-danbiyeedka lagu soo eedeeyay, iyaga oo sheegay ineysan gudin gabdhahooda balse ay tahay arin been-abuur ah oo lasoo agaasimay.

Maxkamada ayaa xukunkeeda u cuskatay baaritaan caafimaad oo lagu sameeyay gabdhaha. Taas oo sida ay maxkamadu sheegtay lagu ogaaday in gabdhahan lagula kacay gudniin.

Xukunka xabsiga ah waxaa sii dheer in waalidiintan lagu xukumay inay lacag magdhow ah oo gaareyso 25.000 DKR ay siiyaan mid walba oo kamid ah gabdhahooda.

Dhakhtar kuwa haweenka ah oo gabdhahn baaritaan ku sameeyay ayaa sheegtay in gabdhahan aan la gudin, ama uu shaki kujiro iney la kulmeen gudniin. iyada oo maxkamada ka marqaati furtay arintaas.

Sidoo kale dhakhtar gaar ah oo waalidiintan ay dalbadeen, isla markaana gabdhaha ku sameeyay baaritaan ayaa isna dhankiisa sheegay ineysan muuqan wax cadeyn ah uu tilmaameyso in labadan gabdhood lasoo guday.

 

Macalimada mid kamid ah labada gabdhood ee waalidiintan soomaaliyeed, ayaa booliska kusoo wargalisay arintan, iyada oo sheegtay in gabdhahan lagu soo guday Afrika sanadkii 2015 oo ay fasax u aadeen.

Waalidiintan soomaaliyeed ayaa isla maantaba racfaan ka qaatay xukunka xabsiga ah ee lagu riday.

Xigasho/kilde: Ekstrabladet.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x