torsdag, april 18, 2024

Dagbladet: Dowlada oo rabto in la waajib-yeelo qaadista dhiiga DNA-ga, marka qofka uu dacwo xareysanayo

Sida uu qorayo wargeyska Dagbladet, dowlada Norway ayaa soo jeedisay in lasoo rogo shardi ah in dhiig laga qaado qofka raba inuu qaab dacwo ah ku imaado Norway, isaga oo sheeganayo inuu qaraabo la yahay qof degan Norway.

Marka uu qofku xareysanayo dacwad qoys, waxey safaaraduhu xaq u leeyihiin inay qofka ka qaadaan dhiig DNA ah, laakiin kuma qasbi karaan. Dowlada ayaa sheegeyso in arintaas ay keeneyso dul-duleel uu qofka ka faaíideysan karo, si uu Norway u imaado. Iyaga oo soo jeediyay in shuruud laga dhigo in qofka Norway imaanayo markasta laga qaado DNA.

[adsenseyu2]

Wasiirka kumeelgaarka ah ee arimaha soo galootiga Per Sandeberg iyo wasiirada qoyska iyo dhalaanka Solveig Horne oo labaduba katirsan xisbiga xagjirka ah ee FRP, ayaa soo jeedintan si wadajir ah usoo jeediyay. Waxeyna sheegeen inay uga gol-leeyihiin labo arimood: 1) In laga hortago dadka Norway sida beenta ah ku imaanayo Norway, iyaga oo iska dhiganayo inay qaraabo la yihiin qof Norway kunool. 2) in laga hortago in caruur yar-yar lagu qasbo inay Norway usoo dhoofaan, iyaga oo aan raali ka aheyn.

Inkasta oo wasiiradan ay arintan maqaar kale u galiyeen, hadana ujeedkoodu waa cadyahay. Waana in la yareeyo dadka qaabka dacwada ah Norway ku imaanayo Norway. UDI-da ayaa saadaalisay in sanadkan ay Norway imaan karaan, ilaa 24.000 qof oo qaab dacwo ah wadanka kusoo galay.

Sida uu qorayo Dagbladet, wasaarada dastuurka ayaa sheegtay in dadka qaraabo been-been kusoo galo Norway ay tahay dhibaato jirto oo baaxad weyn, sidaas darteed loo baahanyahay in laga hortago.

Labadii sano ee ugu danbeeyay, waxaa hoos u dhacay tirada dadka magangalyada soo weydiisan jiray Norway. Taasna waxey keentay inay FRP raadsadaan siyaabo kale oo arinta soo galootiga ay uga dhigaan mid joogto ah, waxey maalin walba keenayaa mowduuc cusub oo aan horey loo maqal.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x