Baashe Muuse: Waa in muhiim in xaqiiqada laga sheego arinta saboolnimada iyo lacag-dirista soomaalida

0
83

Wargeyska Aftenposten ayaa sadex maalin kahor soo daabacay warbixin uu uga hadlayo in soomaalida iyo afgaanistaantu ay lacagta ugu badan ka diraan Norway, balse dhanka kale ay yihiin labada qowmiyadood ee uu qarashka ugu yar soo galo. (Halkan ka akhri warbixintaas)

Tv-ga NRK, qeybtiisa idaacada dhageysiga ah ayaa dood barnaamij dood gaaban ah ka sameeyay arintaas, waxaana lagu casuumay Baashe Muuse, cilmi-baare katirsan hey´ada PRIO iyo siyaasi katirsan FRP.

Siyaasiga FRP katirsan ayaa sheegay inaysansuurtogal aheyn in soomaalidu ay lacag intaas le´eg kadiraan Norway, dhanka kale ay caruurtoodu sabool ku noolaadaan Norway. Wuxuuna raaciyay inay muhiim tahay in lacagta ay dowladu siiso qoysaska danyarta ah ay tahay mid loogu talo-galay nolosha caruurta halkan, si ay u helaan nolol usoo dhow nolosha ilmaha Norwiijiga ah.

[adsenseyu2]

Baashe Muuse ayaa dooda ka sheegay inaysan isku xirneyn lacagta ay qoysaska diraan iyo saboolnimada caruurta, isaga oo sheegay in caruurtaas ay sabool yihiin sababa la xiriira ka qeyb-qaadashada suuqa shaqada waalidkood aan badneyn. Sidaas darteed ay muhiim tahay in xaqiiqada laga hadlo, marka arintaas xal loo raadinayo.

Halkan ka dhageyso dooda NRK(click sii)

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments