tirsdag, april 23, 2024

Ap iyo FRP oo ku tartamaya adkeynta ama qafiifinta xeerarka magangalyada qoxootiga

Waxaa labadii maalmood ee ugu danbeeyay socday shirweynaha qaran ee xisbiga Ap, iyada oo ay sifiican usoo muuqaneyso isbadalka siyaasadeed ee Ap ku yimid, marka laga hadlayo arimaha soo galootiga iyo qoxootiga guud ahaan.  Inkasta oo dad badan oo xisbiga katirsan ay muujinayaan inaysan ku qanacsaneyn siyaasada Ap ee ku aadan soo galootiga, hadana waxaa muuqato in kooxda Elite-ka ah ee hogaanka heyso ay fikir ahaan is waafaqsanyihiin.

Ap ayaa codsi iyo cadaadis badan oo xisbiga gudahiisa kayimid darteed, ugu danbeyn maanta ansixiyay in la xadido isticmaalka adeegsiga xeerka dhigaya in caruurta yar-yar ee magangalyo-doonka ah la siiyo sharci kumeel gaar ah, dibna loo qiimeyo magangalyadooda marka ay 18-sano gaaraan.

Xisbiga FRP ayaa isna dhankiisa wado olole uu kula jiro Ap, iyada oo dowlada Norway ay maalin kahor ogolaatay in caruurta da´yarta magangalyo doonka ah ee xeryaha qoxootiga kujiro ladajiyo deegaan ay nolol cusub ku bilaabaan.

FRP ayaa sidoo kale ku eedeynayo Ap inay bixinayaan fariin khaldan oo sababi karta in dhalinyaro badan oo magangalyo doon ah ay Norway iska soo dhiibaan. Maadaama ay meel-mariyeen in la xakameeyo adeegsiga magangalyada kumeel gaarka ah ee da´yarta. (Halkan ka akhri warkaas).

Hadia Tajik oo ah gudoomiye ku xigeenka Ap, ayaa iyada oo iska difaaceyso eeda FRP sheegtay in xeerarka magangalyada iyo qoxootiga, ay ahaan lahaayeen kuwo adag, hadii FRP iyo gacma-gacmeyntooda ay meesha ka maqnaan lahaayeen.

[adsenseyu2]

Jonas Større ayaa isna dhankiisa sheegay in FRP ay wadaan propogando ka dhan Ap, isaga oo ku eedeeyay inay si khaldan ay u fasirayaan siyaasada Ap ee magangalyo-doonayaasha.

Ap iyo FRP oo sanado kahor ahaan jiray labo xisbi oo aad isaga horjeedo inta badan, marka ay timaado siyaasada soo galootiga, ayaa hada u muuqdo kuwo isku soo dhawaanayo siyaasad ahaan, marka loo fiiriyo hadalada ay warbaahinta isku marinayaan. Waxa ugu weyn oo hada ay ku tartamayaana ayaa isugu soo uruurtay adkeynta xeerarka magangalyada.

Ap oo lidi iyo mucaarad ku ahaan jiray FRP xiliyadii hore, ayaa hada FRP ku heysto inay khal-khal ku sameynayaan adkaanshaha xeerarka magangalyo-doonayaasha. Taas oo calaamad muuqato u ah inuu jiro isbadal muuqdo oo dhab ah oo ku yimid xisbiga shaqaalaha oo soomaali badan ay codka isugu geeyaan.

Dhanka kale waxaa muuqato in Ap iyo FrP ay wali isaga soo horjeedaan fikradaha ku aadan siyaasadahooda Canshuurta, dhaqaalaha, caafimaadka, ama shaqada iyo shaqo-geynta.

 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x