(Maqaal)-Abdijibar Ahmed: Hadda Dhaqan Geli Naftaada – Ma Shaqeysataa?

Waxaa jira siyaabooyin badan aad ku dhaqan gelin karto naftaada, si aad uga faa’idaysato fursadaha ka jira dalkaan Norway. Waa sax, wey adagtahay inaad isbedel weyn ku sameyso noloshaada inta aad ku nooshahay dalkaan Norway, sababtoo ah waxaa ku hortaagan caqabado badan sidda inaad haysato warqada loo yaqaano “FAGBREV” oo inta badan dhalinyarada Soomaaliyeed waqti badan ku bixiyaan sidii ay u heli lahayeen. Dabcan, marka aan leeyahay dhalinyaro, kama aanan tagin dad badan oo kale maxaa yeelay dadka Soomaaliyeed inta badan ee kunool dalkaan Noorway waxay u badanyihiin dhalinyaro.

Warqadda “FAGBREV” waa warqada cadeynayso inaad mudantahay inaad shaqeyso. Waxaa jiro dad badan oo aanan waxbo kusoo baranin dalkooda hooyo oo iska ah qof yar weyn, mana awoodo inuu qalin waqtigaan qaato. Dadkaas iyaga dhibka haysto ayaa ah in waqtiga looga dhameeyo “PRAKSIS”. Waxaad arkaysaa maamooyin badan iyo rag badan oo calaacalaayo, waxayna ka calaacalayaan shaqada ay hayaan oo ay ku shaqeeyaan si lacag la’aan ah, aysan hubin inay shaqo ka helayaan iyo inkale goobta ay ka shaqeeyaan. Mana jiraan cid ay dhibkooda u gudbiyaan, haddii la ogaado inay dhibsanayaan inay ku shaqeyaan lacag la’aan waxay isdhahayaan armaa lagu moodaa inaad shaqo rabbin ama commune-ga ku moodaa inaadan shaqo usoo jeedin.

Dadka milkiilayaasha oo loogu shaqeynaayo ama waxkale loogu qabto si lacag la’aan ah, kuwaasoo loo dhaqaayo maalin walbo billaa lacag aad ayuu ugu faraxsanyahay arrintaas, sawabtoo ah dantooda ayaa ku jirta. Laakiin waxaa gacan galay oo aan u daqanayaa Soomaalida oo lacag la’aanka ku shaqeyo, oo aan haysanin balan qaad ah “haddii aad si fiican u shaqeysid labo sano kadib waan ku shaqaallo garaynaynaa iwm”

Waxaan la yabaa marka la isbarbar dhigo Soomaalida kunool Ingiriiska, Mareykanka iyo kuwa kunool Noorway, sawabtoo ah Mareykanka iyo Ingiriiska Soomaalida joogo kuwooda aanan waxbo soo baranin mise aanan rabbin inay wax bartaan oo jecel inay iska xamaashaan wey wada xamashaan, balse Noorway waxaa la isku xeraa warqado ma haysataa? Maxaa cadeyn ah inaad shaqadaan taqaano iwm.

Maqaalkaani gaaban waxaan jeclaani lahaa inaan iskudayo inaan kugu dhiiro gelini karo, maxaa yeelay waxaad tahay walaalkey ama walaalshey Soomaaliyeed. Waxaana I dhibayso inaan maqlo Soomaalida kunool Noorway waa sidaas iyo sidaas. Ma jirto shaqsi jecel in dadkiisa noqdaan kuwa dib u dhac leh. Marwalbo waan jeclahay inaan arko Soomaali horumar gaaray, waxaana dareemaaa farxad iyo innuu qofkaasi noo yahay qof mudan ku daba-dayasho mudan.

Waa laga maarmaan ah inaan dhaqan gelino nafteena si aan ugu guulaysano danaha horyaallo nafteenna. Waxaad ogataa waxwalbo waanu dhaqan gelini karnaa haddii aan la imaano waayo aragnimo ku salaysan fahanka nollosha nagu heeraarsan.

Shaqada waa waxyaabaha ugu horeeyo oo aan ku dhaqan gelini karno nafteenna, dabcan waa wadada kali oo aan ku sameysani karno isbedel la taabani karo. Waxaa jira dhalinyaro badan oo jecel inay isbedel sameyaan balse hadana waxaa hortaagan caqabadaha sida,

  • Luuqada Norsk-kaha.

  • Meelaha shaqada laga raadsado. Sidda finn.no, iyo meelo kale oo badan.

  • Aqqoondarida bulshada ka haysato qaababka dalka shaqo loogu raadsado.

  • Iyo waliba bulshada Noorway oo ah bulsho aan isdhexgal lagu sameyni Karin.

Waxaa kaloo arrimahaas dheer waqtigadaan dambe waxaa soo ifbaxaayo dad diimahooda lagu cunsuriyeeynaayo.

“Diinta Islaamka qofkii ku dhegan waxay noqotay sidda dhimbil dam ah” arrintaasina waxaa ugu wacan in dalalka Islaamka dhulkooda si gardaro ah loo burburiyay iyadoo loo isticmaalay siyaasad farsameysan. Soomaali haddii aan nahay caqabadaha na haysto Illaahay hanaga qaado maxaa yeelay dhibaatada meelwalbo ayay noogu timid.

Hadaba aqristoow, wali waxaa taagan su’aashii ahayd siddee nafteenna ku dhaqan gelinaa?

5 taan qodob waa qodobada kali aad ku dhaqan gelini karto naftaada:

  1. Subax walbo arroortii soo kac.

  2. Salaaddaha marna haka tagin.

  3. Shaqo raadi waqtiba hakugu qaadato.

  4. Naftaada maalin walbo wax cusub bar.

  5. Caqlaaq wanaagsan kulla dhaqan dadka.

Qodobka koowaad, Qodobadaasi aan ka dhawaajiyay waa qodobo aad ku dhaqan gelini karto naftaada. Haddii aan soo qaato qodobka 1aad, subaxwalbo arroortii inaad soo kacdo waa muhiim, sawabtoo ah waxaa la sheegaa dadka nollosha ku guulaysto inta badan waa dad subaxdii horre sook aca, waa waqtiga maskaxda qofka bini’aadamka ah ay furantahay. Wixii lagu shubana wey qaadataa islamarkiiba, waxaana la sheegaa waa waqtiyada aqriska iyo waxbarashada ay ku fiicantahay nafta.

Qodobka labaad, 5ta saladdood oo aad joogtayso waxaad ka helaysaa ajir iyo xasanaad kaaga imaanaayo Illaahay S.W.C. Salaadda waxay kaa reebta xumaanta iyo fasqiga. Waxay kaloo kaa saacideysaa inaad noqoto qof ay ka muuqato degganaansho iyo xasilooni badan, waxaa kaloo kaa yaraanaayo welwelka iyo Stress-ka badan.

Qodobka seddexaad, Inaad shaqo raadsato waa muhiim, wadada kali oo aad isbedel ku sameyni karto waa inaad la timaado shaqo iyo hawl karnimo. Waa inaad la timaadaa hadaf cad oo tilmaamaayo sidda aad doonayso inaad naftaada horumar u gaarsiiso. “Shaqo ayaa sharaf leh, shaxaad ayaa ceeb leh” Soomaalida ku dhaqan dalkaan Noorway waxaa lagu nacay waa shaqo la’aanta. In lagu naxo waa qasab haddii aad maalin walbo noqoto qof dadka dawarsado. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa ahayd “Baryada badan iyo bukaanka badan deriskaaga kugu naca”. Sawabta sharciga laguu siiyay ayaa ahayd inay kaa helaan dhaqaallo mustaqbal marka la gaaro, madamaa markii hore lacag kugu bixiyaan. Waxwalbo oo aad u jeedo waxay leeyihiin dano gaar ah “Interest”.

Qodobka afaraad, naftaada maalin walbo wax cusub bar. Maalinta haddii dhibaato kaalla soo deristo xagga dowladda ama aad aragto Soomaali kale oo lagu dheganyahay waa inaad tusaalle ku qaadataa. Waxaa kaloo jira dunidda wey socotaa saacad walbo oo ku dhaafto cimri ayaa kugu darsoomo waxaana lagaaga baahanyahay inaad la timaado qaababka aad ugu faa’ideysani lahayd waqtigaada iyo  nolloshaada.

Qodobka shanaad, caqlaaq wanaagsan inaad dadka kula dhaqato waa wax adiga naftaada iyo dadnimadaada kor u qaado. Cidwalbo oo aad aragto qiimeey, xittaa haddii qofkaasi yahay qof xun adiga waxaa lagaaga baahanyahay inaad kula dhaqanto dhaqan wanaagsan. Caqlaaqda wanaagsan waxay ku dhexel siissaa inay dadka ku jeclaadaan. Teeda kale waa la hadlaa ha u hadlin. Caqlaaqda xun ayay ka mid tahay in afkaada la fiiriyo maanto oo dhan, dadka kale waxaa wanaagsan inaad siiso fursad ay ku hadlaan.

Gunnaanad, shaqsiga bini’aadamka marwalbo waxa lagu qiimeeyo waa dadnimadiisa, dabeecadiisa, iyo inuu yahay shaqsi shaqeysto oo aanan cid waxbo ugu baahneen oo aan ka ahayn Alle s.w.c, Inaad gaarto isku tiirnaansho waxay sharaf u tahay waa adiga, iyo bulshado oo ku jeclaato adiga. Dhaqanka wanaagsan waxay dowr muhiim ah ka ciyaartaa inaad noqoto shaqsi la jecelyahay. Inaad naftaada hagto oo aad ku hagto wadada wanaagsan waa muhiim, sawabtoo ah duniddaan ayaa ah dunni leh isbedel aan la filani Karin. Oogidda shanta saladood iyaduna waxay dowr muhiim ah u tahay jiritaankaada bini’aadamnimo.

Waan ka cudur daaranayaa in maqaalkeyga noqday mid dheer balse hadana waxaan aaminsanahay innuu yahay mid faa’ido u leh bulshada.


Hadii aad rabto inaad fikirkaaga, aqoontooda, hamigaaga ama aad fikirkaaga la qeybsato bulshada soomaaliyeed ee Norway, waxaad qoraalkaaga noogu soo aadin kartaa NorSomnews@gmail.com

[adsenseyu2]

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of