torsdag, april 25, 2024

Xisbiga shaqaalaha oo diidan in da´yarta kayar 18-sano la siiyo magangalyo rasmi ah

Wargeyska VG ayaa qorayo in kaamamka Norway ay kujiraan 326 dhalinyaro ah, kuwaas oo da´doodu ay kayartahay 18-sano, heystana magangalyo kumeel gaar ah. Taas oo ku siman inta ay ka qaan-gaarayaan(18-sano), waxaana markey 18-sano gaaraan dib loogu celin doonaa wadankii ay ka yimaadeen.

Sharciga magangalyada kumeel-gaarka ah ee la siiyo dhalinyarada ayaa adeegsigiisu  uu kor u kacay sanadkii ugu danbeeyay. Hey´ada laanta socdaalka ee UDI ayaa warqad qeylo dhaan ah u dirtay baarlamaanka iyo dowlada, iyaga oo ka digayo khatarta ka imaan karto dhalinyarada sida kumeel gaarka ah loogu hayo kaamamka, markii ay 18-sano gaaraana wadanka laga saari doono. Waxeyna UDI sheegtay in dhalinyaradaas ay kunoolyihiin nolol degenaansho iyo xasilooni la´aan ah. 

Xisbiyada SV, KRF iyo Venstre ayaa isku raacsan in la joojiyo adeegsiga sharciyada kumeel gaarka ah ee dhalinyarada, isla markaana aan dhalinyaradaas wadanka laga saarin markii ay 18-sano gaaraan.

Xisbiga shaqaalaha Ap ayaa arintaas ku gacan-seyray, iyaga oo sheegay inay dowlada ku taageersanyihiin isticmaalka sharcigaas, waxeyna dowlada ka codsadeen in dhalinyaradaas si wanaagsan loola dhaqmo, mudada ay wadanka sida kumeel gaarka ah usii joogayaan.

Kari Henriksen oo Ap katirsan ayaa VG u sheegtay in xisbigooda uu wali ku taaganyahay heshiiskii baarlamaanka lagu galay sanadkii 2015. Muhiimna ay tahay in sharcigaas aan la joojin, maadaama uu fariin u dirayo dadka caruurta usoo dirsanayo Norway.

Geir Toskedal oo ah afhayeenka arimaha soo galootiga ee xisbiga KRF in sida loola dhaqmayo dhalinyaradan ay sharaf dhac u tahay Norway, dhibaatana ay usoo jiido karto dhalinyaradan iyo waliba mujtamaca guud ahaan. Geir ayaa sidoo kale Ap ku eedeeyay inaysan waxbo dhaamin dowlada hada talada heyso, marka laga hadlayo arimaha soo galootiga, isaga oo arintaas ku tilmaamay mid nasiib daro ah, maadaama arintan ay khuseyso caruur iyo dhalinyaro.

Xigasho/kilde: VG-Papiravis-(08-03-2017, side 4)

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x