tirsdag, april 16, 2024

Xagee loo dirayaa lacagtii loo uruuriyay abaaraha?, Waana imisa lacagta soo xarootay

Barnaamijka gurmadka abaaraha oo soomaalida Norway ay sameeyeen sabtidii lasoo dhaafay iyo maalmihii ka danbeeyay, ayaa hada marayo qeybtii ugu danbeysay ee gaba-gabada. Gurmadkan oo soomaalida Norway aysan u kala harin oo ay si wadajir ah oo baaxadweyn uga wada qeybqaateen.

Lacag imisa ah ayaa soo xarootay illaa hadda:

Sida ay noo sheegeen gudiga gurmadka abaaraha, waxaa ilaa hada gacanta lagu hayaa ama kusoo dhacay kontada hey´ada Xanaano lacag isku dar gaareyso 821.000. Iyada oo wali ay jiraan lacago kale oo yar-yar oo ku maqan gobolada, isla markaana aan wali soo gaarin gacanta gudiga. Lacagta hada gacanta lagu hayo, ayaa isku dar qiyaas ahaan gaareyso 100.000(boqol kun) oo dollar.

Gudoomiyaha hey´ada Hanaano oo ah hey´ada loo adeegsaday lacag uruurinta abaaraha, ayaa soomaalida Norway ka codsanayo in cidii wali heyso lacago ku dhiman, inay ugu danbeyn caawa usoo diraan, si loo xiro kontada isla markaana loo bilaabo dirista lacagta wadar ahaaneed.

Xagee loo dirayaa:

Waxaa xal u helista dirista lacagtan loo xilsaarey gudi ka kooban sagaal qof. Sadex ka socoto masaajidka Towfiiq iyo lix qof oo kamid ah gudiga gurmadka abaaraha. Waxeyna gudigaan ugu danbeyn keeni doonaan goobaha lacagtan loo dirayo maalinta jimcaha ah.

Sida ay NorSom News kasoo xiganeyso gudigan sagaalka qof ah, waxaa la go´aansaday in lacagtan si toos ah loogu diro goobaha ay dhibaatooyinku ka jiraan, iyada oo aan meel kale loo sii marin ama gudi-abaareedyada maamulada aan loo sii wakiilan.

Gudiga ayaa si rasmi ah u shaacin doono goobaha lacagtaas lagu dirayo maalinta jimcaha, iyada oo lagu wado in la diro sabtida soo socoto(1-April-2017).

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x