torsdag, april 18, 2024

Warbaahinta Denmark oo aad u hadalhayo xaalada Said Abdullahi oo lagu amray inuu wadankaas isaga baxo.

Warbaahinta dalka Denmark ayaa aad u hadal-heyso xaalada aabahan soomaaliga ah oo kamid ah 800 oo qoxooti soomaaliyeed ah, kuwaas oo dowlada dalkaas ay sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharcigooda magangalyada.

Said Abdullahi oo ah darawal buss oo ka shaqeeyo magaalada Viborg, ayaa sanadkii 2009   magangalyo soo weydiistay dalkaas, isaga oo kasoo qaxay colaadihii ka socday Soomaaliya. Said ayaa sheegay in intii mudo ah uu ahaa qof isku filan oo shaqeysta, isla markaana aan wax caawimaad dhaqaale ah aan ka helin dowlada dalkaas(Hoos ka daawo muuqaalka).

Said ayaa maalmo kahor lagu wargaliyay in magangalyadiisa kumeel-gaarka aheyd lagala noqday, ayna dhaceyso 13-ka bishan Maarso. waxaana loo sheegay in isaga, xaaskiisa iyo 5 caruur ah oo ay dhaleen ay Denmark isaga baxaan wixii ka danbeeyo taariikhdaas. 

Dowlada Denmark ayaa magangalyo- kala noqoshada Said iyo dadka lamidka ah u cuskuneyso in xaalada amaan ee Soomaaliya ay soo hagaagtay. 

Muwaadinkan soomaaliga ah oo lahadlay qaar kamid ah warbaahinta dalkaas ayaa sheegay in isla maalintii lagala noqday magangalyada, uu qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku geeriyoodeen ilaa 40 qof. 

Said ayaa wargeyska tvmidtvest.dk u sheegay in go´aanka dowlada uu ka qaadan doono racfaan. Waxaana racfaankiisa gacan ka siinayo Jens Rohde fra Viborg oo katirsan baarlamaanka midowga Yurub. Waxeyna sheegeen in racfaankooda gaarsiin doonaa ilaa maxkamada bini-aadanimada aduunka ee Faransiiska. 

Xigasho/kilde: tvmidtvest.dk, Politiken.dk

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x