torsdag, mars 28, 2024

U.K oo ugu danbeyn si rasmi ah u xareysay warqadaha ka bixitaanka midowga Yurub

Dowlada dalka Ingiriiska ayaa maanta si rasmi ah midowga Yurub ugu gudbisay  warqadaha ka bixitaanka midowga Yurub ee EU-da . Waxeyna U.K noqotay wadankii ugu horeeyay ee codsata inay EU-da ka baxaan. Waxaana maanta bilaabatay prosses iyo howl qaadan doonto ugu yaraan labo sano, taas oo UK ay ugu diyaar-garoobayso ka bixitaankeeda midowga Yurub.

23-kii bishii June ee sanadkii lasoo dhaafay ayey shacabka dalkaas u codeeyeen in U.K ay ka baxdo midowga Yurub. Waxaana wixii waqtigaas ka danbeeyay socday wadahadalo goos-goos ah, kuwaas oo ay U.K iyo EU ay ugu gogol xaarayeen isku diyaarinta howshan.

[adsenseyu2]

U.K: Baqtiga waan necbahay, laakiin fuudkiisa waan jeclahay.

Inkasta oo U.K ay si rasmi ah u codsatay inay ka baxdo midowga Yurub, hadana waxaa wali jiro wadahadlo ay U.K kula jirto midowga Yurub, kuwaas oo salka ku haya ineysan lumin suuqa ganacsiga dalalka Yurub. Ganacsatada, milkiilayaasha shirkadaha waaweyn iyo waliba beeraleyda dalkaas ayaa dowlada ku cadaadinayo inay EU-da la galaan heshiis u saamaxayo inay alaabtooda iyo waxyaabaha lagu sameeyo U.K ay u suuq-geyn karaan dalalka EU-Da. Iyada oo aan lagu xirin canshuur dheeri ah.

Midowga Yurub ayaa arintaas ka biyo diidan, iyaga oo dowlada Ingiriiska ku cadaadinayo inay duuduub ku dhaafaan, oo aysan soo mareysan mar hadii ay go´aansadeen inay baxaan. Iyaga oo sheegay in hadii sidaas loo ogolaado U.K ay dhici karto in wadamada kale ay sidaas oo kale sameeyaan. Waxaana sidoo kale jirto cabsi ah in arintaas ay keento khal-khal iyo degenaan la´aan dhaqaale.

Lama garan karo waxa ka dhalan karo bixitaanka U.K ee midowga Yurub. Balse waxaa jiro aqoonyahano badan oo saadaalinayo in dhaqaalaha Ingiriisku uu hoos u dhac weyn ku imaan karo, maadaama ay lumiyeen suuq aad u baaxadweyn. Sidoo kale ay EU-du lumisay dowlada dhaqaale oo xoog badan.

Xigasho/kilde: DN.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x