lørdag, april 20, 2024

Sweden: Ilaa 14.000 qof oo magangalyo-doonayaal ah, ayaa da´dooda baaritaan ku sameyn doonaa

Laanta socdaalka ee dalka Sweden ayaa sheegtay in sanadkan 2017, baaritaan dhanka da´da ah lagu sameyn doono dad tiro ahaan u dhaxeeyo 3.000 ilaa 14.000 qof oo magangalyo doonayaal ah.

Wakaalada baarista danbiyada ayaa laanta socdaalka bil kadib usoo gudbin doonto jawaabihii ugu horeeyay ee baaritaanka da´da ah ee laga qaaday magangalyo doonayaasha.

Sweden ayaa waqti dhow bilowday inay baaritaanada dhanka da´da ah ee laga qaado da´yarta magangalyo doonka ah ama dadka kale ee isku dhiiba inay ka yaryihiin da´da qaan-gaarnimada dalalka reer galbeedka(18). Waxaana arintaas kaga horeeyay oo waqti hore dhaqan-galiyay dalkan Norway, inkasta oo wali ay jiraan cabashooyin ku aadan baaritaanadaas dhanka da´da ah.

Baaritaanada da´da ee Seden ayaa noqon doono raajooyin laga qaado gows-dambeedka qofka iyo lafta jilibka, waxaana sawirada raajada baaritaan ku sameyn doono dhakhaatiir.

Xigasho/kilde: Radio-sverige

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x