tirsdag, april 16, 2024

SV oo isku raacay in dib loo dhigo ka hadalka mamnuucista gudniinka wiilasha

Xisbiga SV oo shaley lagu balansanaa inay ka arinsadaan khilaaf dhexdooda ah oo ku saabsan mamnuucista gudniinka wiilasha yar-yar, ayaa isku raacay in dib looga dhigo ka hadalka qodobkaas. 

Wadaadada macbadyada(synegoga) yuhuuda ayaa arintaas wel-wel ka muujiyay, iyaga oo sheegay inay dhibaato ku tahay xoriyada diinta ee qofka. Waxaana muuqato in arintaas ay saameynteeda laheyd.

Yuhuuda ayaa caado ahaan si lamid ah sida muslimiinta u guda wiilasha marka ay yar-yar yihiin.

SV ayaa go´aansaday in arintaas looga hadlo shirarka danbe ee xisbiga, isla markaana aan lagu deg-degin go´aan ka gaaristeeda. 

Xigasho/kilde: Vårt-land-papiravis

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x