onsdag, april 24, 2024

SSB: 1139 qof oo soomaali ah ayaa degan magaalada Stavanger

Wakaalada tirokoobka iyo xog uruurinta ee SSB ayaa soo saartay tirada dadka ku dhaqan magaalada Stavanger oo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn dalkan Norway. Iyo sidoo kale tirada dadka soo galootiga ah ee ku dhaqan magaaladaas.

Soomaalida ayaa noqotay qowmiyada 4-aad ee soo galootiga ah, ee ugu badan ee kunool magaalada Stavanger. ilaa 1139 qof oo soomaali ayaan ku diiwaan-shan inay magaaladaas deganyihiin. Waxaana tiradooda sanadkii lasoo dhaafay kusoo korortay 95 qof.

Waxaa laga yaabaa in tirada caadiga ah ee soomaalida ku dhaqan magaaladaas ay intaas ka badantahay, maadaama ay jiri karaan dad soomaali ah oo magaalada degan, balse aan adress ku aheyn(ku diiwaan gashaneyn).

Xigasho/kilde: Stavanger-aftenbladet.

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x