onsdag, april 24, 2024

NTB:33 qoxooti soomaali ah oo lagu xasuuqay duqeyn ka dhacday xeebaha Yeman

Sida ay qoreyso wakaalada wararka wadankan Norway ee NTB, waxaa weerar duqeyn cirka ah lagu dilay 33 qof oo qoxooti soomaaliyeed, xili ay saarnaayeen doon socotay xeebaha dalka Yeman. Waxaana sidoo kale weerarkaas ku dhaawacmay dad gaarayo 35 qof. Dadka lagu xasuuqay weerarkan ayaa u badan dumar iyo caruur.

NTB oo soo xiganeyso wakaalada wararka kooxda xuutiyiinta Yeman ee SABA, ayaa qoreyso in weerarkaas uu ka dhacay gobalka Xudeyda, meel u dhow marinka Baabul-Mandab.

[adsenseyu2]

Meydadka dadka ku dhintay weerarkan ayaa loo soo qaaday isbitaalada magaalo xeebeedka Xudeyda ee gacanta ugu jirto kooxda Xuutiyiinta. Waxaana arintaas xaqiijiyay afhayeen u hadlay hey´adaha caafimaadka magaaladaas, iyo waliba qof katirsan xarumaha caafimaad qaramada midoobay.

Lama oga cida ka danbeyso weerarkaas lagu xasuuqay qoxootiga soomaaliyeed ee saarnaa doonta socotay bada cas, laakiin waxaa sanadadii ugu danbeeyay magaalada Xudeyda ka socday duqeyn cirka ah oo ay wadaan dowlada xulufo oo Sucuudiga uu hormuud u yahay.

Inkasta oo dagaalo ay ka socdaan dalka Yeman, hadana waxaa wali jiro dad u tahriibo wadankaas, si ay uga sii gudbaan wadamada Khaliijka.

Dowlada Soomaaliya ayaa ilaa hada wax war ah kasoo saarin dadkaas soomaaliyeed ee lagu xasuuqay weerarkaas.

Xigasho/kilde: NTB/BT(33 somaliske flyktninger er drept i en båt utenfor kysten av Jemen, ifølge det opprørskontrollerte jemenittiske nyhetsbyrået SABA.)

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x