lørdag, april 20, 2024

NRK oo cabashadii ugu badneyd ay kasoo gaartay barnaamijkii ay ka sameeyeen soomaalida Norway

Sida uu qorayo wargeyska ka warama arimaha saxaafada ee Medier24.com, tv-ga qaranka Norway ee NRK ayaa cabashadii ugu badneyd abid ee uga timaado qowmiyad soo galooti ah, ay kasoo gaartay barnaamijkii Trygdekontoret ee ku saabsanaa soomaalida Norway. 

Gudiga cabashada NRK ayaa sheegay in dad 70 qof kor u dhaafayo ay cabasho kasoo gudbiyeen barnaamijkaas ku saabsanaa soomaalida. Waana cabashadii ugu badneyd ee sanadkan laga soo gudbiyo hal barnaamij oo ka baxay TV-ga.

Erik Skarrud oo ah xoghayaha gudiga cabashada ee NRK, ayaa sheegay inay tahay markii ugu horeysay taariikhda oo dad intaas le´eg oo ajnabi ah ay cabasho kasoo gudbiyaan program ka baxay tv-ga. Sida caadiga ah, dadka barnaamijyada TV-ga ka baxa kasoo dacwoodo waxey ahaan jireen dad norwiiji cadaan ah.

Inkasta oo gudiga cabashada ee NRK ay sheegeen inay soo gaartay 70 klage, hadana waxay NorSom News aaminsantahay in dadka cabashada gudbiyay ay intaas ka tiro badnaayeen, anaga oo ka qiyaas qaadaneyno dadkii galay(click siiyay), linkigii cabashada NRK ee aan usoo gudbinay dadka nala soo xiriiray(2147 qof). Waxaana dhici karto in dhamaantood aysan wada marin wadooyinkii saxda ahaa ama aysan si fiican u wada buuxin feylka(skjemaha) cabashada.

[sdonations]1[/sdonations]

Erik ayaa Medier24 u sheegay in dadka cabashada kasoo gudbiyay barnaamijka ay dareensanyihiin in si aan sax aheyn loo soo bandhigay, isla markaana qowmiyad dhan ceeb dusha loo wada saariyay. Wuxuuna raaciyay in barnaamijku uu ahaa mid ku saleysan maad/qosol, laakiin dadka kasoo cowday ay aaminsanyihiin in qaab aan wanaagsaneyn loo soo bandhigay barnaamijkaas.

Medier24 ayaa su´aal ku saabsan cabashada laga soo gudbiyay barnaamijkiisa weydiiyay Thomas Seltzer oo ah wariyihii barnaamijka hogaaminayay(daadihinayay). Balse wuu ka gaabsaday inuu arintaas jawaab ka bixiyo.

Thomas Seltzer oo ah wariye senior khabiir ah, barnaamijkiisuna uu yahay kuwo loogu daawasho badanyahay Norway, ayaa u qaadan la´ in barnaamij uu hogaaminayay ay intaas oo cabasho ah ay ka timaado.

Guud ahaan waxaa sanadkan kor u kacday cabashada lasoo gudbiyo barnaamijyada ka baxa tv-ga qaranka Norway ee NRK. Sanadkii hore ee 2016, waxaa gudiga cabashada NRK soo gaaray 760 cabasho. Halka sadexdii bilood ee ugu horeysay sanadkan ay soo gaareen 829 cabasho.


Kilde: Medier24.com

….Klagestorm mot NRK, og ikke bare fra sinte, hvite menn: Kringkastingsrådet har fått 70 klager på Trygdekontorets program om somaliere.

Trygdekontorets sending om somaliere: Den er det 70 personer som har klaget på. Det er første gangen jeg har registrert at såpass mange med utenlandsk bakgrunn som klager, for det er først og fremst etniske nordmenn som historisk har kontaktet NRK for å klage, sier Erik Skarrud(Kringkastingsrådets sekretær).

Hva er innholdet i noen av klagene mot Trygdekontoret?

– De føler seg feil fremstilt og mener at man tar en hel folkegruppe som man skjærer over en kam. Programmet er ment å være et skråblikk med humor, men de som klager mener det er fremstilt på en dårlig måte, opplyser Skarrud.

Medier24 har vært i kontakt med Trygdekontorets programleder Thomas Seltzer som ikke ønsker å kommentere saken.

Les hele saken videre her: Medier24.com

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x