(Maqaal)-Wariye Feysal Caseyr: Baahida iyo Dhibaatada Walaalkaa Haku Fiirsan.

0
212
Wariye Feysal Caseyr..

Warbixin ay soo saartay qaramada Midoobey, ayaa lagu sheegay in ka badan 50,000 oo caruur ah oo ku sugan dalka Soomaaliya iney wajahayaan xaalad qatar caafimaad ah, sababo la xiriira abaaro ka jira qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Tan iyo waxii ka dambeeyay markii digniinaha ay bilaabeen xafiisyada hay´ada arrimaha bini’aadanimada QM ee UN-OCHA, ayaa la sheegay in xaalada nafaqa-daro ay sii korortay, meelaha qaarkoodna ay dhimasho gaartay.

Warbixino kale ayaa lagu sheegay in ku dhawaad hal milyan oo soomaali ah oo qeyb kamid ah 12 qeybood marka shacabka loo qeybiyo ay wajahayaan biyo la`aan iyo cunto la`aan baahsan.

February 28.2017 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Faramaajo), ayaa ku dhawaaqay in abaaraha ka jira dalka ay yihiin musiibo qaran oo u baahan in si degdeg ah looga jawaabo.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay beesha Caalamka iyo qurbo joogta soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan gargaarka loo fidinayo dadka ay abaarahu saamaayeen si looga gaashaanto in xaalad macaluul oo baahsan ay dalka ka dhacdo sidii lix sano kahor.

MARCH 4.2017 Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa isagana sheegay in 48dii saac ee la soo dhaafay, ay ku dhinteen qaar kamid ah gobollada Koonfureed, gaar ahaan gobolka Bay dad tiradoodu ay gaareyso 110 ruux. Kuwaas oo ay saameeyeen abaaraha iyo cudurka Shuban-Biyoodka oo halkaasi ka dilaacay. Isaga oo sidoo xusay in xiligan loo baahan yahay iskaashi buuxa iyo wada shaqayn dhex marta shacabka iyo dawladda si wadajir loogu gurmado dadka soomaaliyeed ee dhiban.

Walaal waxaad haysataa biyo farii ah iyo cunto sadexda waqti ah caruurtaada waxay kuu haystaan waxbarasho bilaash ah iyo caafimaad farii ah.

Maku fakartay in ay jiraan dad soomaaliyeed oo dhiigaaga iyo dheecaan kaaga ah, ay u geeriyoonayaan saacad walba biyo la`aan iyo cunto la`aan raashin ay cunaan war kiisa daaye.

Fadlan walaal xasuuso dad kaaga baahan oo isku xil qaan inaad ka qeyb qaadato taburucaadka loo fidinaayo adigoo ku taageeraayo wixii awoodaada ah.

Alle wuxuu yiri isku naxariista anigana waan idiin naxariisanayaa sidaas daraadeed aan u naxariisano dad keena baahida iyo biyo la`aanta u geeriyoonaaya.

Dal waliba dad kiisa ayaa baahi tira alle hanaga dhigo kuwii baahi tira dalkooda iyo dadkooda Aamiin Aamiin.

WQ: Faysal Caseyr Maxamed


Hadii aad rabtid inaad fikirkaaga, aqoontooda, khibradaada ama dareenkaaga aad la wadaagto bulshada soomaaliyeed ee Norway, waxaad qoraaladaada noogu soo aadin kartaa: NorSomNews@gmail.com

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments