fredag, april 19, 2024

Listhaug: Hala baaro telefoonada gacanta ee dadka qoxootiga ah

Wasiirada arimaha soo galootiga dalkan Norway ayaa maalmo kahor sheegtay inay rabto in baaritaan qoto-dheer lagu sameeyo telefoonada gacanta iyo computarada dadka qoxootiga ah, si loo ogaado isla markaana looga hortago, hadii ay khatar amni kuyihiin dalkan Norway.

Listhaug ayaa sheegtay in iyada iyo dowladeedu ay rabaan in la sameeyo sharci booliska u ogolaanaya inay baaritaan ku sameyn karaan, telefoonada gacanta iyo computaradooda magangalyo-doonayaasha, si ay boolisku u ogaadaan macluumaad dheeri ah oo aysan maanta awoodin iney helaan.

Wasiiradan ayaa sheegtay in baaritaankan uu sidoo kale dowlada ka caawin karo, helista xog ku saabsan khadadka tahriibka iyo maga-fayaasha(Muqalasiin).

Germanka oo arintan horey u sameeyay:

Dowlada dalka Germanka ayaa sharci noocan oo kale ah horey u dhaqan-galisay, si looga hartago weerarada argagaxisnimo ee shaqsiyaadka xagjirka ah ee kusoo gabado magangalyo-doonayaasha.

Dalka Germanka waxaa horey uga dhacay weeraro argagaxiso oo ay sameeyeen dad magangalyo-doon ahaan dalkaas kusoo galay. Laakiin ilaa hada Norway kama dhicin wax weerar argagaxiso  ah oo ay geysteen dad magangalyo doon ah.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x