fredag, april 19, 2024

Kheyre oo la kulmay safiirka Norway ee Soomaaliya

Reysulwasaaraha Soomaaliya, Hassan Ali Kheyre ayaa maanta kulan la qaatay safiirka Norway u fadhiyo wadamada Kenya iyo Soomaaliya, Amb. Victor Ronneborg.  Kulankaas oo la sheegay in looga wada hadlay adkeynta xiriirka u dhaxeeyo Soomaaliya iyo Norway.

Labadan masúul ayaa baraha ay kuleeyihiin Twitterka ku xusay kulankaas, iyaga oo labadooduba ay sheegeen inuu ahaa mid guul kusoo dhamaaday.

Kulankan RW. Kheyre iyo Amb. Victor ayaa kusoo aaday maanta xili wasiirka arimaha dibada Norway uu kulan la lahaa ergeyga qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.

Norway ayaa kamid ah wadamada taageerada dhaqaale ee ugu badan siisa Soomaaliya, iyada oo bil kahor ay dowlada Norway sheegtay inay lacag dhan 7 milyan oo Dollar, taas oo loogu talo-galay wax ka qabashada abaaraha.

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x