torsdag, april 25, 2024

Høyre oo ogolaaday in qofku uu heysan karo labo dhalasho

Xisbiga Høyre ayaa shir sanadeedkii sanadkan oo dhacay maalmo kahor, ku meel-mariyay inay taageersanyihiin in qofku uu labo dhalasho oo kala duwan isku heysan karo.

Dooda ku saabsan jinsiyadaha, ayaa socotay isbuucyadii ugu danbeysay. Waxaana doodaas udub-dhexaad u ahaa kiiska Mahad Abiib iyo kiiska qoyska kasoo jeedo Lubnaan.

 

In la xadido xiliga kala noqoshada jinsiyada: 

Høyre ayaa sidoo kale sheegay inay kasoo fiirsan doonaan soo jeedinta ay xisbiyada qaarkood soo jeediyeen, ee ku aadan in la xadido xiliga qofka lagala noqon karo sharciga jinsiyada, iyada oo loo eegayo inta sano ee uu wadanka degenaa.

Xisbiyada KRF iyo SV ayaa soo jeediyay in mooshin arintaas ku saabsan baarlamaanka la geeyo. Waxaana u riyaaqay Sp, Ventre iyo MDG. Halka Ap uu kasoo horjeestay ama uu diiday inuu taageero.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x