Heiki Holmås: Waa muhiim in soo galootiga ay xasil iyo degenaansho ku dareemaan sharciga wadankan

0
102

Wasiirkii hore ee horumarinta Norway, ahna hada xildhibaan katirsan baarlamaanka ayaa sheegay in qaabka uu hada u dhiganyahay sharciga dib ugala noqoshada jinsiyada, uu yahay mid khal-khal iyo xasilooni- daro ku beeriyo soo galootiga degan dalkan.

Wuxuuna sheegay in dareenka degenaanshaha iyo xasiloonidu uu muhiim u yahay mujtamaca guud. 

Hadalka Holmås ayaa yimid, kadib markii uu kulan yeesheen xubno ka socday xisbiyada KRF, Sv, Sp, Venstre iyo MDG. Waxaana sidoo kale kulanka joob-joog ka ahaa qaar kamid ah qoyskii falastiiniyiinta/urdun ee dhawaan ay hey´ada laanta socdaalka ay sharciga jinsiyada kala noqotay 27-sano kadib. 

Xisbiyadan ayaa isku raacsan soo jeedin ah in la xadido xiliga qofka la qaadi karo sharciga jinsiyada, iyada loo fiirinayo inta sano ee uu wadanka degenaa. Waxeyna taageero weydiisteen xisbiyada kale. Ap ayaa arintaas diidan, iyaga oo sheegay ineysan taageersaneyn in la xadido goorta qofka lagala noqon karo sharciga jinsiyada, laakiin waxey taas badalkeeda sheegeen inay muhiim tahay in la xaqiijiyo wadooyinka loo marayo.

[adsenseyu2]

Xisbiyadan ayaa sidoo kale baarlamaanka horgeeyay mooshin ay ku rabeen in hey´ada laanta socdaalka looga qaado, awooda sharci kala noqoshada. Mooshinkaas ayaa lagu balansanaa in baarlamaanka la horgeeyo 14-ka bishan maarso, laakiin waxaa ku yimid dib udhac, kadib markii Ap uu codsaday in la siiyo waqti dheeri ah oo ay uga fiirsadaan taageerada mooshinkaas.

Xisbiga Ap oo soomaalida ugu badan ay codka siiyaan xiliyada doorashada, ayaa hada u muuqdo mid isbaaro u dhigtay labo soo jeedin oo muhiim u ah bulshada soo galootiga ah oo soomaalidu ay kamid tahay.

Ap ayaa u muuqdo mid wato siyaasad ku dhisan labo-wajiileyn, maadaama dhan ay isku tusinayaan iney soo galootiga arimahooda muhiimada saaraan, dhanka kalena ay hortaaganyihiin mooshinada ay wataan xisbiyada kale ee taageersan arimaha soo galootiga.

Xigasho/kilde: Utrop.no

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments