torsdag, mars 28, 2024

Gudi soo jeediyay in kiisaska la xiriira barnevernka, laga qaado fylkesnemndaha, loona wareejiyo maxkamad

Gudi ay dowladu u xilsaartay soo qiimeynta in maxkamado gaar ah loo sameeyo kiisaska la xiriira barnevernka, muranka waalidiinta ee ku saabsan caruurta, ayaa dowlada usoo jeediyay in go´aan gaarista kiisaska barnevernka laga wareejiyo fylkesnemdaha, loona wareejiyo maxkamadaha caadiga ah (domstol).

Kiisaska la xiriira muranka waalidiinta ee caruurta(Foreldretvister) ayaa hada lagu go´aamiyaa maxkamad, halka kiisaska la xiriira barnevernka  lagu go´aamiyo fylkesnemndahaGudigan ayaa dowlada usoo jeediyay in kiisaska la xiriira labadaas arimoodba, lagu go´aamiyo maxkamadaha caadiga ah. 

Gudigan oo ay dowladu magacowday sanadkii 2015 ayaa warbixintooda maanta usoo gudbiyay wasiirada qoyska iyo sinaanta, Solveig Horne iyo wasiirka dastuurta Per Willy Amundsen.

Fylkesnemnde: Waax dowladeed oo qaab maxkamadeed ahaan u shaqeeyo(maxkamad ma ahan), kaas oo go´aan ka gaaro kiisaska muranka ku saabsan xanaanada caruurta, ee u dhaxeeyo waalidiinta iyo barnevernka. Waxeyna sida caadiga ah ka koobanyihiin sadex qof oo aqoon u leh kiisaska markaas laga hadlayo.

Wasiirada qoyska iyo sinaanta ayaa sheegtay inay muhiim tahay in la xaqiiyo xaqa sharciyeed ee waalidka iyo caruurta. Iyada oo raacisay iney ku faraxsantahay in gudigan ay xooga saareen in kiisaska ay go´aamiyeen dad khibrad iyo aqoon u leh.

Xigasho/kilde: Regjeringen.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x