Ali M. Jama: Hadii soomaalida rabto ay rabto iney dhibta ka baxdo, waan iney shir weyne deg-deg ah isugu timaadaa

0
155

Sida aynu lawada socono doorashooyinkii baarlamaanka, waxay dhacayaan bisha sagaalaad ee sanadkan 2017.  Run ahaana waa doorashooyinka ugu muhiimsan ee bulsho rabitaankeeda ay wax kagaga bedeli karto

Waxaan la soconaa in bulshada soomaliyeed ee ku dhaqan Norwey, ay qabaan dhibaatooyin badan oo ay kala kulmaan wadanka ama bulshooyinka ku dhaqan, sida shaqada, warbaahinta , barnevarnka , hayadaha nabadgalyada iwm.

Dabcan marka bulsho uu ku dhaco dhaxal-wareeg,  qax iyo bara-kac, meelaha ay u haajiraan waxey kala kulmaan dhibaato mid dhaqan iyo mid dhaqaale Iyo mid diimeed ah. Laakiin maaha inaad tidhaahdo waan imi, sidaan rabana waan ugu noolaanayaa ama sidaan Soomaliya ugu noolaa ayaan halkana ka rabaa inaan ugu noolaado

Nin dakhtar ah oo asalkiisu yuhuudi ahaa, ayaa wuxuu yidhi qaabkee ayaad u dareentaan dadka aad u soo qaxdeen. Waxaan u sheegay dhibaatooyin badan, wuuna qoslay. Wuxuu ninkaas dakhtarka ahi iiga waramay taariikh dheer, markii ay qaxootiga ahaayeen iyo dhibaatadii ay kala kulmeen.  Wuxuu igu yidhi markii aanu dhibaatadii xamili kari weyney,  waxaanu talo u doonanay wadaadadii kiniisadayada(Sinagoog) ugu sareeyey, waxayna na siiyeen talo.

Dabcan, dakhtarkani awoowgii ayaa dadkaa dhibaatada la kulmay  kamid ahaa. Wuxuu yidhi, waxaa nala soo siiyey talooyin qaabka aanu bulshada uga mid noqon lahayn  waxay yidhaahdeen:

  • wax barta:  waxbarasho  aqoonta maadiga ah, waxaadna xooga saartaan 3 aqooneed oo kala ah: media ama warbaahin, Dakhtarnim ama caafimaadka iyo looyarnimo ama advokat.

Intaa markaad ku shaqo gashaan, bulshada idin takooraysaa idinka ayay cagihiina imaanayaan. sidaasna ayaan ku bad baadney.


Horta waxa fiican hadaynu soomaali nahay, inta aynaan qaylin in aynu is xisaabino  oo nidhaahno halkee ayaan bulshada kaga jirnaa

Waxaan muddo 15 sano gaadhaysey ka shaqaynayey goob Oslo kutaal, Waxaa igu soo maray ilaa soomaali 40 aan ka yareyn, 3 mooyaane intii kale vikar kamay soo gudbin. Runtiina waa shaqo dawladeed  oo ma leh dhib badan ,waayo systemka wadanka mar hadaad ajaanib tahay aqoontaadu aanay dhisnayn fast markiiba laguuma dhiibayo waa lagu eegayaa.  Soomaalideena waxaa aad ugu yar samirka iyo u adkeysiga.

Inkasta oo shaqada aad layga qadariyo, maanta hadaan idhaahdo qof soomaali ah baan keenayaa, waxaa laygu yidhaahdaa caliyow kolba wuu tegayaaye maad iska deysid. Walahi hada waaban joojiyey  inaan iraado, ma nihin mashaqaystayaaal laakiin fahankii ayaa inagu yar

Waxaanu shir la galay xubno u shaqeeya hay´ada barnevarnka ( caruurta ) oo Norweji ah, kaligayna maan ahayn. Waxay noo sheegeen ilmo layskagaga soo boodaa inaanu jirin oo layska qaato. Ilaa saddex afar kulan ayaanu ilmaha waalidkii u qabanaa waxaanu u sheegnaa dhibka aanu aragnay ama ilmuhu sheegay  hadii markaa waxba laga qaban waayo markaa ayaanu ilmaha qaadanaa

Ma ihi qof difaacaya ummada aynu wadankan ugu nimi  mana ihi qof leh somali oodhan oo dad liita. Nana nihin dad liita laakiin waxaa inaga maqan talo, 90% waynu qaybsanahay  qabiil iyo maamul goboleed

Ilaa maanta soomaalidu, waxay garan la´dahay waxaad aaminsantahay aaminsanow , qabiilkaad doonto ahow, waar dantiina u midooba. Inta ay soomaaliyi sidan tahayna, qofowna ma arkaysid magac somaliyeed oo Norwey dhexdeeda sharaf iyo karaamo ku leh

Waxaa Norwey ka dhisan ilaa 300 urur somaliyeed. 4 urur mooyaane inta kale shaqsiyaad ayaa jeebka ku sita, magac somaliyeed ayaana ku qoran. Hada ha u qaadanina dadkan aynu wadankoodii ugu nimi inaanay intaa iyo in ka badanba ogeyn

Hadda waxaa soo dhow doorasho, war somaliyeey waa inaad qabsataan shirweyne dhamaan soomaali ah ama inta afsomaliga ku hadasha hala casumo. Gobolada ururada ka dhisan dad aqoon leh baa inaga buuxa ma nihin dad jaahiliin ah shirweynahaas bal qaabka aynu badweyntan kagaga bixi karo aan ka tashano ,shirweynaha waxaa fiican mid hor dhac ah guddi 15 xubnood ka kooban oo arintan isku soo dhuba rida halagu sameeyo ururadan liiskooda meelo ay yaalaan baa jira halaga soo qaato iyagana hala wada casumo

Xisbiyada hadaynaan codkeena iyo taladeena aynaan midayn intaynu cod siino ayay inaga dhibaatada inagu bilaabayaan waayo wax inooga qarsooni ma jiraan.

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments