fredag, april 19, 2024

Abdisalaam Cadaay oo ku biiray kooxda Vålerenga Oslo

Xidigii hore ee kooxda kubada Manchester City Abdisalaam Ibrahim Cadaay ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray kooxda ka dhisan magaalada Oslo ee Vålerenga, isaga oo kasoo wareegay kooxda Viking ee magaalada Stavanger.

Viking ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay fasaxeen mid kamid ah laacibadii ugu wanaagsanaa kooxda, sababo dhaqaale xume oo kooxda soo wajahay iyo mushaarka Cadaay oo ay sheegeen ineysan awoodin bixintiisa.

Ibrahim Cadaay ayaa la midoobi doono macalinkiisii hore ee kooxda Strømsgodset, ahaana macalinkii kooxda Celtic, Ronny Deila oo hada tababare u ah Vålerenga. Wuxuuna Vålerenga u saxiisay heshiis soconaya labo sano.

Warbaahinta waaweyn ee Norway ayaa aad u hadalheyso wareegista cadaay ee kooxda Vålerenga, maadaama Viking iyo Vålerenga ay yihiin kooxo aad u loolama.

Arinta kale ee xuska mudan ayaa ah in ciyaarta koowaad ee furitaanka hortaalka Norway ay isku wajihi doonaa Viking iyo Vålerenga.

Halkan ka daawo wareysi uu Cadaay siiyay kooxda vålerenga, wareegistiisa kadib. 

Xigasho/kilde: TV2.NO,  VG.NO , Dagsavisen.no

[adsenseyu2]

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x