Abdijibar Ahmed: Ma jiro Soomaali aan rabin Shaqo

Waxaa dalkaan Norway waqtiyadaan dambe ka jiray in Soomaalida si gaar ah loo takooray, waxaana lagu takooray inay yihiin dad ma shaqeystayaal. Waxayna maraysaa in heer TV-ga dalka Noorway loogu soo qaato barnaamijyo la yaab leh oo bulshada Soomaaliyeed geliyay argagax illaa hadda ay ka sheekeyaan. Sidda la ogsoonyahay shaqsiga Soomaaliga wuxuu dalkaan u yimaaday inuu abuurto/sameysto nolol farxad gelisa. Cidwalbo oo adduunka kunool waxay raadisaa waa labada shey oo kala ah: Farxad nolloleed iyo Nabad lagu waaro.

Marka aad dib u eegto raadadkii hore ee dadyawgii Geeska Afrika dagi jiray, waxaad ogaaneysaa in Soomaalidu fac weyn tahay oo lagu yaqaanay shaqo iyo hawl-karnimo. Soomaalida ayaa waxay ku maah-maahdaa “Shaqo ayaa sharaf leh, shaxaad ayaa ceeb leh”. Dabcan waxaa macquul ah illaa hadda inaad maqasho maah-maahdaasi, aniga waxaan maqlay jiray anigoo yar, macnaha guudna waxaan ku turjubaanay in shaqadu tahay muhiim. Qofka aanan shaqeysanin inuu yahay qof nacas ah.

Waxaad kaloo maqashaa “Nimaan shaqeysanin shaah ma cabo”, oo macnaheedu tahay, haddii aadan shaqeysanin shaah ma cabi kartid, sababtoo ah lacagtii aad shaah ku iibsani lahayd ayaadanba haysanin. Dabcan Soomaalidu waa dad aad u caba shaah, halka Noorwejiyanka aad u cabaan kafeyga. soomaalidu waxey waqti walba jecelyihiin inay shaah cabaan, mana ahan wax shalay bilowday ee waa dhaxal soo jireen ah.

Sidda ay warbaahinta dalkaan in badan tebisay, waxaa dhacday in dadyowga dalkaan u dhashay iyo kuwa kaleba ay Soomaalida u fahmeen dad ma shaqeystayaal ah. Bini’aadamka wuxuu wax u arkaa qaabab kala duwan. Aragtida waa waxyaabaha ay bini’aadamka ku kala duwanyihiin marwalbo. Waxaan ka wada marqaati nahay in wadankaan Noorway ay usoo tahriibtay Soomaali badan si ay u abuurtaan ama ay u sameystaan nolol dhaanto noloshii ay kusoo arkeen dalkooda hooyo. Balse xaajada marwalbo siddii la rabay ma noqoto, waxwalbo nusqaan ayay leedahay.

[adsenseyu2]

Aqristoow waxaad ogataa meel walbo oo aad dunidda tagto ma noqoto sidda aad rabtay maxaa yeelay waxaa marwalbo kala duwan wadciga iyo hab-dhaqanka markaas ka jira halka aad usoo haajirtay. Qofwalbo wuxuu jecelyahay inuu ku noolaado nolol ay ku dheehantahay farxad, balse hadana ma noqoto sidda la rabay maxay tahay sawabta? – Sawabta ayaa ah dunidda ayaa ah meel la isku cinqaabo, waxwalbana waxaa loo baahanyahay in sidda ugu haboon loo wajaho.

Waxaa dalkaan Noorway kunool Soomaali badan oo jecel xaqiiqdii inay ku sameeyaan noloshooda isbedel balse maxaa hortaagan? – Waxaa la isdhihi karaa, waxaa hortaagan labo qodob oo muhiim ah. Waxayna kala yihiin:

  1. Isdhexgal la’aan “Integration”
  2. Kala qeybsanaanta bulshada Soomaaliyeed dhexdooda

Koow, isdhexgal la’aanta waxaa laga dhexlaa Isfahan la’aan. Bulshooyinka caalamka isma fahmi karaan haddii aysan sameynin isdhexgal. Maxaa yeelay isdhexgalka bulshada waa waxyaabaha lagu yareyn karo caqabadaha jira. Haddii ay jiri lahayeen bulsho badan oo Soomaali ah oo bulshada kunool Noorway isdhexgal ku sameysay waxaan wada heli lahayn natiijo ah fahanka guud iyo hab-dhaqanka ku noolaanshaha Noorway. Inaad sameyso isdhexgal waa waxyaabaha ugu adag inaad sameyso marka aad ku nooshahay dal aad ku tahay koyto. Soomaalida waxaa lagu xantaa inay yihiin bulsho aanan ku wanaagsaneen isdhexgalka, waxaana la sheegaa inay yihiin kuwa marwalbo ka dhexbaxsan bulshooyinka kale ee caalamka.

Laakiin waxaad ogataa in dumarkeena aysan sameyni karin isdhexgal siyaabo badan awgii. Dumarkeena waa dumar xijaaban, lamana mid ah raga. Balse waxaa wax lagu faano ah inay jiraan gabdho badan oo aaday jaamacado.

Dumarka Muslimiinta waxay wajihayaan waxyaabo badan. Aad iyo aad ayay ugu adagtahay inay sameeyaan ishdexgalka loo baahanyahay. Waxaan la wada soconaa waxyaabaha ka dhacaayo qaarada Yurub iyo Mareykanka.

“Maxkamada ugu sareysa dalka Faransiiska waxay joojisay oo mamnuucid ku soo rogtay maamulka magaalo ka mid ah dalka Faransiiska dharka loo yaqaan burkini oo ah labis asturan oo ay haweenka Muslimiinta ah xirtaan marka ay doonayaan inay dabaashaan”.

Waxaa kaloo jirtay in “maxkamadda ugu sarraysa Yurub ayaa xukuntay in shaqo bixiyayaasha ay xor u leeyahiin in ay shaqaalahooda ka mamnuucii karaan xirashada xijaabka iyo sidoo kale wax kasta oo noqon kara calaamad siyaasadeed ama mid tusin kara astaan diimeed. Waxay sidoo kaloo Maxkamadu sii raacisay in qofkii shaqaale ah oo ka hor yimaadaa ay xaq u leeyahiin shaqo bixiyayaashu inay ka cayrin karaa goobta shaqada”.

Dhibaatooyinka ma ahan mid qoraalkaan lagu soo koobi karo. Balse iyadoo midaasi ay jirto hadana waa laga maarmaan ah in la helo qaababkii loo sameyni lahaa isbedel la taabani karo. Waxbarashada, waliba waxbarasahda sarre waa waxyaabaha bulshada Soomaaliyeed ay ku sameyni karaan isbedel muuqani karo oo dhexelgal leh.

Labo, kala qeybsanaan badan inay jirto waa waxyaabaha keena dib u dhaca bulshada. In bulshada noqdaan kuwa ku midaysan aragtida wanaagsan waa muhiim. Marwalbo oo ay bulshada yihiin bulsho wada midaysan waxay noqdaan kuwa isku sheega shaqooyinka ka jira dalka iyo waliba iska warqabid fiican.

Bulshada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay noqdaan kuwa midaysan si ay u noqdaan kuwa isbedel weyn ka sameeyo bulshooyinka ay ku dhexnoolyihiin. In badan ayaa laga hadlaa in bulshada Soomaaliyeed noqdaan kuwa midaysan. Kala qeybsanaanta waxay dowr muhiim ah ka ciyaartaa in la bahdili karo, caruurta la iska qaadani karo. Waxaa kaloo ceeb ah in haddii gabar la soo doono loogu diido wiilka ciddiisa darteeda. Dhibaatada Afrika kaa keentay haddii aad halkaan ku bilowdo waxay caqabad ku keeni kartaa dadnimadaada iyo inaad sameyni weyso horumar.

Waxaan kusoo gaba-gabaynayaa, Ma jirto Soomaali aanan shaqo rabbin balse waqtiga ayaa ka hiilayay. Waxaa jirto Soomaali badan oo shaqo raadis ah oo aanan helin, sababtuna maxaa loo aanneeni karaa? Fahan la’aanta wadciga ka jira dalkaan. Soomaali walbo wuxuu ku hamiyaa siddii uu wax u noqoni lagaa balse ma haysto cid uu dugaalsado. Maxaa yeelay haddii aad taqaano cid aad shaqooyinka dalka ka wareysani karto iyo halka wax yaalaan waxaa kuu suurta geli lahayd inaad mudo yar isbedel weybn ku samayni karto. Dowladda Noorway iyo shacabkeeda waxay Soomaalida u fidisay soo dhaweyn weyn oo aanan laga helin wadamo badan oo caalamka iyo waliba kuwa deriska aynu nahay. Cidwalbo oo Soomaali ah oo kunool dalkaan Noorway waxay abaal u hayaan dowladdaan iyo shacabkeeda. Waxaan jeclaani lahaa in abaalkii ay galeen uusan noqonin hal bacaad lagu lisay.

W.Q: Abdijibar Ahmed


Hadii aad rabto inaad fikirkaaga, khibradaada, aqoontooda ama aad hamigaaga la qeybsato bulshada soomaaliyeed ee Norway, waxaad qoraalkaada noogu soo aadin kartaa NorSomnews@gmail.com

[adsenseyu2]

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of