torsdag, april 25, 2024

47,4 % dadka Norway waxey dhaliilsanyihiin habka ay dowladu ula tacaamushay soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada

Sida lagu ogaaday codbixin cusub, ku dhawaad kala bar ama 47,4% dadka Norway, waxey dhaliilsanyihiin ama kasoo horjeedaan habka ay dowladu ula tacaamushay arimaha la xiriira soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada. Halka 36,2% dowlada ku taageersanyihiin arintaas.

Codbixintan oo ay qaaday xarunta Sentio, ayaa waxaa sidoo kale lagu ogaaday in 27, 6 dadka taageersan xisbiga Frp aysan la dhacsaneyn qaabka ay wasiirada arimaha soo galootiga, Sylvi Listhaug ay arintaas uga shaqeysay.

Johannes Bergh oo ah khabiir ku ah arimaha doorashada, ayaa sheegay in doodii ku saabsaneyd soo galootiga ee maalmahan ka socotay warbaahinta, ay sabab u noqon karto kasoo horjeedka shacabka Norway ee dowlada, ee ku saabsan arimaha soo galootiga.

Xigasho/kilde: Kommunal-rapporten.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x