fredag, april 19, 2024

Waxaan qaliin ku sameynay 100 haween ah oo dhaawaca dhinaca gudniinka ah uu soo gaaray

Linda Reme Sagedel waa  haweeney dhakhtarad dumarka(Gynekolog) ah oo ka shaqeyso isbitaalka Sørlandet ee Kristiansand. Waxeyna wargeyska FVN u sheegtay in dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ay baaritaan ku sameysay 200 haween ah, kuwaas oo qaba dhaawacyo gudniinka dumarka ay sababeen. 100 kamid ah haweenkaasna, lagu sameeyay daaweyn ama qalitaan(dib u furid). Iyada oo raacisay in haweenkan intooda badan ay daaweyntaas ama qaliinkaas ka qariyaan qoyskooda ama dadka ay asxaabta la yihiin. 

Dhakhtarkan ayaa sheegtay in haweenka ugu badan ee soo codsado in la daaweeyo ay yihiin haween soo galooti ah, kuwaas oo kasoo jeedo wadamada Somalia, Ereteriya iyo Suudaan. Haween badan oo soo galooti ahna ay dhibaato weyn oo xaga nolosha dumarka ah ku qaban dhaawacyada gudniinka, isla markaana uu qaliinkan yar ee lagu sameeyo uu u noqdo caawin weyn. 

Linde ayaa sidoo kale sheegtay in dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ay kor u kacday tirada haweenka soo codsado in lagu sameeyo qaliin noocaas oo kale ah.

Xigasho/kilde: FVN.NO 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x