tirsdag, april 23, 2024

Wargeyska Politiken.dk oo fashiliyay heshiis dib u celin qarsoodi ah oo ay wada galeen Denmark iyo Soomaaliya

Wargeyska Politiken.dk oo kamid ah wargeysyada ugu waaweyn dalka Denmark ayaa maalmo kahor banaanka keenay, is afgarad qarsoodi ah kaas oo sanadkii 2014 ay wada galeen dowladaha Denmark iyo Soomaaliya. Kuna saabsanaa dib u celinta qoxootiga soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas. 

Arintan ayaa timid kadib markii baarlamaanka dalka Denmark ay u yeereen sadex wasiir oo katirsan xukuumada dalkaas. Waxaana laga codsaday inay sharaxaad ka bixiyaan go´aanka  dowlada dalkaas sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciyada magangalyada 800 qof oo soomaali   ah, dibna ay ugu celin doonto wadankoodii.

Baarlamaanka Denmark ayaa sheegay ineysan ilaa hada arkin heshiis ama ogolaansho ay bixisay Soomaaliya, kaas oo ku saabsan in soomaalida dib loogu celin karo wadankoodi.  Sadexda wasiir ee loo yeeray ayaa kala ah wasiiradaha arimaha soo galootiga, wasiirka arimaha dibada iyo wasiirka horumarinta.

Xukuumada dalkaas oo iska difaaceyso eedeynta golaha baarlamaanka ayaa xili sii horesay oo bishan ah, sheegtay iney heshiis siyaasadeed la gashay Soomaaliya. Laakiin faah-faahin kama bixin waxa uu heshiiskaas xambaarsanyahay. Xukuumada Denmark ayaa sidoo kale sheegtay iney baajisay go´aan bishii lasoo dhaafay ee january dib loogu celin lahaa dad soomaali ah. 

Dowlada Denmark ayaa sheegtay in wada-shaqeynta dowlada Soomaaliya ay khal-khal galiyeen hadalo is-khilaafsan, kuwaas oo kasoo baxayay mas´uuliyiinta dowlada Soomaaliya. 

Shirkii Denmark 2014 iyo Heshiis aan rasmi aheyn:

Denmark ayaa sanadkii 2014 bilowday inay dad si khasab ah ugu celiso Soomaaliya. Baarlamaanka dalkaas ayaa arintaas walaac ka muujiyay maadaama Soomaaliya ay kamid tahay dowladaha aduunka ugu musuq-maasuqa badan. 

Warqad ay qortay wasiiradii arimaha dastuurka dalkaas November 2014, ayey ku sheegtay in»Soomaaliya ay qiratay inuu waajib ka saaranyahay qaabilaada muwaadiniinteeda lasoo celinayo»

Wasiiradii arimaha dastuurka Denmark ee xiligaas xilka heysay Mette Frederiksen ayaa warqadeeda ku qortay qoraalkan gaaban:

Waxaan madaxweynaha Soomaaliya maanta u sheegay, in anaga Denmark ahaan xageena aan aad u qiimeyn laheyn, in Soomaaliya ay nagala shaqeyso arintan. Waxaana si wadajir ah u baareynaa sida ugu fiican ee arintan farsamo ahaan looga shaqeyn karo.

Isla xiligaas waxaa Denmark ka dhacay shir ay beesha caalamku u qabatay Soomaaliya iyo dowladaha daneeyo, waxaana kasoo qeybgalay madax kala duwan oo ka socoto dowlada Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada xubnaha ka ah.

800 oo qoxooti Soomaali ah:

Dowlada dalka Denmark ayaa dhamaadkii sanadkii hore ee 2016, soo saartay go´aan ay ku sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciyada magangalyada 800 oo soomaali ah.

Sida ay NorSom News kasoo xiganeyso dad degan wadankaas, waxaa mar horeba fariimo digniin loo soo diray dad badan. Iyada oo dhanka kalena ay socoto sharci kala noqoshada qoxootiga.

Xukuumada dalkaas ayaa ku adkeysaneyso in Soomaaliya ay xaaladeedu hada soo hagaagtay, isla markaana ay qoxootiga soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan aysan u baahneyn magangalyo.

Waxaana sida muuqato arintaas gacan ka geystay oo fududeeyay dowlada Soomaaliya, oo aqbashay in muwaadiniinta u dhashay dalkeeda dib loogu soo celin karo wadankoodii.

Xigasho/kilde: Politiken.dk(Halkan ka akhri warkan oo af Danish ah)

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x