fredag, mars 29, 2024

War Deg-deg: Mubarak Ahmed Taleb oo dib u helayo sharcigiisii jinsiyada Norwa

Hey´ada UNE ayaa maanta soo saartay go´aan ay ku sheegtay inay dib ugu noqotay go´aankeedi hore, isla markaana Mubarak Ahmed Taleb dib loogu soo celin doono sharcigiisii jinsiyada dalkan Norway oo sanado kahor laga qaaday. 

Go´aanka hey´ada UNE ayaa yimid, kadib markii maalmo kahor uu Mubarak Ahmed ka dhawaajiyay inuu maxkamad la fuuli doono dowlada Norway, si sharcigiisii jinsiyada dib loogu soo celiyo.  Halkan ka akhri warkaas. 

Mubarak ayaa wadankan Norway ku yimid qaab dacwo ahaan ah, waxaana wadanka kaga soo horeeyay walaalkii ka weynaa iyo aabihii. Walaalkii Khaled Ahmed ayaa lagu qasbay inuu wadanka isaga baxo, kadib markii ay cadaatay inuu ka been-sheegay asalkiisa oo ahaa soomaali-jabuutiyaan. 

[adsenseyu2]

Aabaha Mubarak ayaa isna laga tarxiilay Norway, wuxuuna Jabuuti ku geeriyooday shan maalmood kadib markii wadankaas laga dajiyay. Sidoo kale walaalkii Ismael Ahmed ayaa kamid ahaa dadkii ku geeriyooday xasuuqii Utøya ee gacan ku dhiigle Anders Breivi. 

Ninkan dhalinyarada soomaaliga ah ayaa wadanka yimid isaga oo caruur ah,waxaana u dhaxdo haweeney Norwiiji dhalad ah oo ay ilmo wada heystaan. 

Xigasho/kilde: VG, NRK 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x