fredag, april 19, 2024

Waa kuma Mezyar Keshvari?

Mezyar Keshvari waa xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway, kana tirsan xisbiga FRP. Waana gudoomiyaha FRP, qeybtiisa Oslo, isaga oo sidoo kale ku hadla afka xisbiga marka laga hadlayo arimaha soo galootiga iyo qoxootiga.

Keshvari waa Iiraani Norway ku yimid qaab qoxootinimo ah, wuxuuna sheegtay inuu dhashay 1981(Lama hubo halkaas ee dib haloogu noqdo, maadaama wajigiisu uu ka weynyahay intaas). Qoyskiisa oo qax ka ahaa kacaankii Iiraan ee 1979 ayaa Norway magangalyo soo weydiistay sanadkii 1986, waxeyna sheegeen(waa sida ay sheegeen, ileen lama hubine) inay xiriir la lahaayeen maamulkii boqorkii dalkaas xooga ku heystay ee Mohammad Reza Pahlavi(Shah). Norway ayaa isaga oo qoyskiisaba u fidisay magangalyo iyo nolol, waxeyna degeen oo uu ku koray Oslo, iskuul iyo jaamacadna  uu ka dhigtay.

Ninkii qoxootinimada Norway ku yimid ayaa markii uu soo weynaaday xubin ka noqday xisbiga qoxooti diidka ah ee FRP. Ururka dhalinyarada FRP, ee FPu ayuu madax ka noqday isaga ooba ka dheereeyay dadkii wadanka u dhashay ama siyaasiyiintii kale ee xisbiga FRP, kuwaas oo xagjirka dhinaca midig lagu tirin jiray.

[adsenseyu2]

Keshvari ayaa xidig ka dhex noqday FRP, wuxuuna jaran-jarada xisbiga u koray si orod ah. Sanado kooban gudaheed ayuuna xubin uga noqday baarlamaanka dalka, isaga oo isbuucyo kahorna loo doortay gudoomiyaha FRP ee magaalada Oslo oo ah xarunta dhexe ee FRP.

Taaktikada FRP iyo indho-adeyga Keshvari:

FRP waa xisbi lagu tiriyo kuwa xagjirada dhinaca midig ah, aadna uga soo horjeedo soo galootiga gaar ahaan kuwo ka imaado wadamada islaamka ah. Inkasta oo aysan afka soo marin inta badan, hadana wax walba iyo talaabo walba oo lagu joojin karo arintaas wey sameyn kari lahaayeen, hadii waqtigu iyo awoodu u saamaxeyso.

Hadaba si aan loo dareemin xagjirnimadooda ayey heloodeen mid ajnabi ah oo wixii ay sheegi lahaayeen u dhaha. Hadii nin cadaan ah oo wadanka u dhashay uu ku hadli lahaa hadalada Keshvari, xili hore ayey warbaahintu ku shaabadeyn laheyd cunsuri. Iyaga oo taas ka digtoon ayey Keshvari u magacowdeen afhayeenka xisbiga ee arimaha soo galootiga.

Hadalada Keshvari uu ku hadlay intii uu xilkaas hayay waxaa kamid ah:

  • In Norway ay gabi ahaanba joojiso soo dhaweynta soo galootiga iyo qoxootiga. (Hada ogow, waa nin isagaba qoxooti ahaan kusoo galay isaga oo qax ah, waa sida ay qoyskiisu sheegeene).

  • In Norway ay joojiso gabi ahaanba soo galootiga ka imaada wadamada islaamka ah(Isagaba wadan islaam ah ayuu ka imaaday 1986).

  • In Norway aysan qoxootiga siinin sharciga dhalashada iyo degenaanshaha rasmiga ah, balse ay ku celiso wadankoodii markii uu nabad noqdo( Ka dhigan in isaga Iiraan lagu celiyo, dhalashada Norweyna laga xayuubiyo).

  • In dowlada ay la wareegto xanaanada qoysaska dhala caruurta tirada badan, balse aanan heysan shaqo iyo dhaqaale toosan.

  • In lacagta kaalmada ah laga jaro qoysaska soo galootiga ah ee dhala caruurta tirada badan, si aysan guriga u laasimin, shaqana u aadaan.

  • In dowladu ay lacagta ka joojiso masaajida, ayna shaqaaleysiiso dad shaqaale ah oo wixii masaajidka ka dhacaya ka warhaya.

  • Iyo tii ugu danbeysay ee aheyd in sharciga jinsiyada laga qaado, reysulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Hassan Ali Kheyre.

Keshvari ayaa sidoo kale dhowr jeer ku cel-celiyay in dadka qoxootiga ah ee aqoonta yeeshay ay dib ugu noqdaan wadankoodii. Waa su´aale isaga muxuu Norway ka hayaa, muu Iiraan dib ugu noqdo, maadaama uusan hada magangalyo u baahneyn oo Iiraan ay nabad-galyo kajirto, xiriir fiicana uu ka dhaxeeyo Norway iyo Iiraan. 

Sawirka kore waa sawir la sameeyay, cinwaanka waa Keshvari oo dib loogu celinayo Iiraan. 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x