lørdag, april 20, 2024

Trump: Hadaad USA soo galeyso, waxaa lagu weydiin karaa passwordka Facebooga

Maamulka dowlada cusub ee dalka Mareykanka ayaa qiimeynayo in dadka kasoo jeedo wadamada islaamka ah, la weydiiyo passwordka barahooda bulshada(Facebook, Twitter..). Hadii ay diidaana laga xanibo soo galitaanka wadankaas. Si gaar ah waxaa loo xusay muwaadiniinta kasoo jeedo 7-da wadan ee uu dhawaan Donald Trumo xanibay, Soomaaliyana ay kamid tahay

Wasiirka  amniga dalkaas, John Kelly ayaa sheegay in ujeedada arintan ay ka leeyihiin ay tahay sugitaanka amniga. Isaga oo sheegay in dowladiisu ay rabto inay ogaato baraha internetka ee qofku dalka soo galayo uu booqdo ama cida ay Facebooga kula sheekeystaan.  Hadii ay dadku diidaan inay la shaqeeyaan laamaha amaankana, wuxuu sheegay in loo diidi karo inay wadankaas soo galaan. 

Xaakim kamid ah maxkamada sare ee Mareykanka, ayaa dhawaan laaley amar uu Donald Trump ku mamnuucay in dadka kasoo jeedo 7 wadan oo islaam ay soo galaan dalkaas.

Lamana garan karo sida sharci ahaan uu u dhaqangali karo hadalkan cusub ee kasoo yeeray maamulka cusub ee dowlada US.

Xigasho/kilde: TV2.NO 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x