onsdag, april 24, 2024

Telemark: Amino Bile oo loo doortay gudoomiyaha ururka dhalinyarada xisbiga SV ee Telemark

Amino Bile oo ah gabar dhalinyaro soomaali ah, ayaa loo doortay inay noqoto gudoomiyaha ururka dhalinyarada xisbiga SV, SU ee gobalka Telemark.

Amino ayaa horey ugu jirtay liiska musharaxiinta baarlamaanka gobalkaas uga sharaxan xisbigaas SV, waxeyna arintan noqon doontaa xilkii labaad ee loo doorto mudo dhowr bilood gudahood ah. 

Dhiiga cusub( Our own damul-jadiid):

Foto: Mobil-foto: Osman khumse, NorSom News

Doorashada Amino ee SU-Telemark, waxey bilow u tahay mowjad dhalinyaro soomaali ah oo golayaasha siyaasada wadanka si xowli ah uga soo dhex muuqanayo.

Maalmo kahor ayaa golaha dhexe ee xisbiga SV, waxaa kamid noqday Marian Abdi Hussein oo iyadna ah gabar dhalinyaro soomaali ah oo kujirto liiska musharaxiinta baarlamaanka magaalada Oslo.

Golaha dhexe ayaa ah meesha ugu sareyso ee lagu jaan-gooyo siyaasada iyo arimaha muhiimka ah ee xisbigaas. In qof soomaali ah uu halkaas kujirana, waxey sharaf iyo milgo u tahay jaaliyada soomaaliyeed ee wadankan Norway.

Sidoo kale Fawzi Warsame oo ah wiil dhalinyaro soomaali ah ayaa isna kujiro liiska musharaxiinta Ap, ee magaalada Oslo. Fawzi ayaa kamid ah dadka ugu da´da yar ee lagu soo daray liiskaas, waxeyna tani calaamad muuqato u tahay inuu mustaqbal fiican ku leeyahay xisbigaas Ap, iyo guud ahaan siyaasada wadankan Norway. 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x