fredag, mars 29, 2024

Sweden: Xaalada xaafada Rinkeby oo laga deyrinayo iyo booliska oo xabado cirka u riday xalay

 

Booliska magaaladda Stockholm, ayaa xabado digniinta cirka u tuuray, ka dib howlgal ay xalay ku doonayeen ineey ku soo qabtaan shaqsi ay ku dabo-jireen. Booliska ayaa halkaasi kala kulmay dhagaxeeyn xilli ay ku howlanaayeen qabashada shaqsigaasi oo ku dhuumaaleeysanayey barta tareenada xaafadda Rinkeby.

Wararka ayaa sheegaya in garabka laga dhaawacay askari ka mid ah askartii howlgalkaasi fulineeysay. Taasina waxaa ay qasabtay in xabadaha digniintaas ahi cirka u tuuraan. Dad goob joog ayaa telefeyshinka SVT u sheegay in xaaladu ay kacsaneeyd.

[adsenseyu2]

Goobo ku yaala xaafadda Rinkeby ayaa lugu gubay  toddobo gaari oo dhex yiilay baarkimadda xaafadda. Ciidamadda dab damiska ayaan suuragal u noqon ineey galaan gudaha halka lugu gubay baabuurta, sababo la xirriira kooxo halkaasi ku dhagaxeeynaya booliska iyo kooxaha dab demiska. Saxafi madax banaan oo telefeyshinka u warmayey kuna sugan goobta ayaa sheegay in walaaca halkaasi ka jira ay u ekeyd goob dagaal.

“Waxaan u soo joogay goobo ay qalalaaso ka jiraan, tanina-se waxeey aheyd mid dheeri ah oo u ek goob dagaal”  ayuu yiri saxafigan oo ka hadlayey xaalada jaha wareerka ah ee ka taagan xaafadda ajaanibtu ku badan yihiin ee Rinkeby. Ugu dambeyntiina askarta ayaa gacanta ku soo dhigay ruuxii ay doonayeen oo ay la dhaqaaqeen markii dambe.

Booliskana waxaa ay haatan bilaabeen baaritaan la xirriira xiisadda halkaas ka jira. Toddobaadkan hortaantiis ayaa dhalinyarro gaaraya soddomeeyo waxaa ay weerareen gawaari boolis ah oo xaafadda ilaalo gaar ah ka hayey waxaana halkaasi lugu dhaawacay saddex askari inkastoo dhaawacoodu yahay kuwo fudud.

Xaafada Rinkeby ayaa lagu naaneysaa Muqdisho-Yareey, waxaana aad ugu badan soomaalida. Arintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo uu Donald Trump uu daraad khudbad kusoo qaatay xaalada Sweden, mar uu ka hadlayay dhibaatada ay leedahay in la qaabilo soo galooti tiro badan. 

Guud ahaan xaalada soo galootiga ku cusub wadanka Sweden ayaa ah mid laga deyrinayo, iyada oo meelaha qaarkood aysan gawaarida gar-gaarka deg-dega ah aysan gali karin, iyada oo aysan la socon boolis ilaaliya. sida ay qorayaan qaar kamid wargeysyada Sweden. 

Sidoo kale xaalada magaalada Malmø ayaa cirka mareyso, iyada oo booliska magaaladaas ay sheegeen inay khaatir ka joogaan kooxo soo galooti ah oo isku baheystay falal danbiyeedyada ay fuliyaan.

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x